Waraysi Dr Sh Axmed Al- Qudubi qeybta(
3) aad
26/12/2006
Taariikh nololeedka Sheekha:
Taariikhda iyo meesha dhalashada
Tacliinta xalaqaatka
Tacliinta nidaamiga
Sh. Axmed: magaceyga waxaa layiraahdaa Axmed Sh. Xasan Sh. Axmed
Qudubi waxaana ku dhashay gobalka Jubada hoose tuulo la yiraahdo
Dhishigwamo oo u dhaw magalada Kismaayo taariikhdu Markey ahayd
1948.
Sagaal sano kadib ayaa naloo waday dhankaa iyo gobalka Soomaali
galbeed ee Ithoobiya halkaas ayaan Qur`anka ku xifdiyay waxaa
kale oo aan ku soo akhristay kutubta yar yar ee islaamiga ah sida
Qaasimiga Ajruumiga iyo kuwa kale.
1968 ayaan ku soo laabtay magaalada Muqdisho ugu yaraan lixsano
ayaan xerow ku ahaa Muqdisho waxaana akhristay kutubihii markaa
la akhrin jiray waxaana kamid ahaa Minhaajka, waxaana akhristay
Minhaajka afartiisa rubuc kan ugu yar waa rubuca looyaqaan jaraaxada`e
afar jeer baan akhristay kuwa kalena wey kabadan yihiin inta aan
akhristay, waxaana kamid ahaa culimadii aan ka akhristay, Allaha
u naxariistee Sh. Abuukar Macalin iyo Sh. Xuseen cade iyo Sh.
Yuusuf Direed iyo Sh. Maxamed Macalin Xasan iyo Sh. Maxamed Axmed
Nuur(garyare) iyo kuwa kale.
Tafsiirka gaar ahaan waxaan ka dhegeystay Sh. Abuukar Macalin
waxaana la akhrin jiray bisha Ramadaanka oo kaliya .
Iyadoo sidaas ay tahay baa wadanka waxaa dib ugu soo laabtay culima
wax kusoo baratay jaamicaadka oo si casri ah u akhrinaya Tafsiirka
waxana kamid ahaa culimadaa Sh. Maxamed Macalin, Sh. Maxamed Axmed
Nuur (garyare), Sh. Ibrahim Suuley waxaan uga dhegeysan jiray
Sh. Maxamed Macalin tafsiirka masjidka Sh.C/qadir ee ku yaalay
Ceelgaabta magaladan Muqdisho.
Intaas kadib ayaan waxaan u leexday wax barashada cusub ee dhanka
iskuulada waxaana galay wixi ladhihi jiray bicthatul Azhar waxaana
ku qaatay dugsiga hoose markaas baa dowladii waxey soo rogtay
wixii la dhihi jiray ololihii Af-Soomaaliga markaas baan isaga
tegay wadanka oo aan u lugeeyay wadanka Suudaan, halkaas baan
waxaan ka galay machad la yiraahdo {MACHAD UMU DURMAAN AL CILMI
}waxaana kaqaatay shahaadada dugsiga sare waxaana galay { JAMACADDA
UMU DURMAAN }kuliyadda luqada carabiga iyo aadaabteeda waxaana
bilaabay jaamacadda sanad dugsiyeedkii 1976/1977 waxaana ka qalinjebiyay
sanad dugsiyeed kii 1980/1981 kadibna waxaan qaatay dibloom tarbiya
ah dabadeedna waxaan u safray yaman oo aan Macalin ka noqday muda
5 sano ah kadibna waxaan kulaabtay suudaan waxaana galay macahadka
Jaamacada Carabta ee layiraahdo{MACHADUL KHARTUUM ADOWLI}waxaana
ka qaatay shahaadada loo yaqaan mastaredka waxaana ku soo laabtay
magaalada Muqdisho lix bilood burburkii Muqdisha ka hor oo aan
meela dhowr ah ka akhriyay kutub kadibna waxaan ku laabtay dalka
Suudaan waxaana ka soo qaatay shahaadada ugu sareysa shahaado
la qaato oo looyaqaan (P.H.D) ama diktooraa takhasus ka ah{ALMANAAHIJ
WADURUQ ATADRIIS} hadana jaamacada Muqdisho ayaan macalin ka ahay
sidoo kale masaajidyo badan ayaan khadiib ka noqday kitaabana
ka akhriyaa.
Dhamaad
Wabillahi towfiiq
Waxaa wareysiga ka qaaday
C/naasir Ganey & M .M Omar