Waraysi Dr. Liibaan
Q 1aad
19/7/2007
Waxaa u suuro gashay Mowqica Islaax.org in uu waraysi la yeesho Dr.Maxamed Xuseen Ciisa (Dr Liibaan) oo ah madaxa Xarunta Horumarinta Dhallinyada iyo Ardeysa Soomaaliyeed ee ( HADHSO)

Dr Liibaan Waxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 1968, waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo sareba waxuu ku qatay Muqdisho, waxuuna ka qalin jebiyay dugsigii sare ee badda sanadku markuu ahaa1984-85, kadibna labo sano oo ah shaqada qaranka (gurmadka) ayuu soo maray 1986-1987.
Sanadku markuu ahaa 1988 ayuu deeq waxbarasho ka helay dalka Marooko isagoo arday ka noqday Jaamacada Muxamadka shanaad ee dalkaasi.
1994 laba kuliyadood ayuu ka qalin jebiyay oo kala ahaa, Kuliyadda Aadaabta iyo kuliyadda Qaanuun & Maamulka.
1995-1997 Shahaadada Mastar degree ayuu ka qaatay, isla Jaamacadda Maxamed ka shanaad.
Waxuuna wadanka ku soolaabtay 1999.
2003 September waxuu qaatay Shahaadada PHD ama Diktoorada.
Waxa uuna noqday macallin wax ka dhiga Jaamacada Muqdisho.
2004 illaa xilligan aan joogno waa Hormuudka Kuliyadda Shareecada & Qaanuunka.
Luqadaha uu ku hadlo waa Soomaali, Carabi, Faransiis iyo Engilish. Dr ku waa xaasle 4 caruur ah leh, wuxuuna xilliyada uu firaaqada yahay jecelyahay inuu ka shaqeeyo horumarinta dhallinyada Soomaaliyeed
Wareysigiina waxaa uu u dhacay sedan:
S. MAXAA DHALLINYARRADA IYO ARDAYDA LOO SIIYAA AHMIYAD GAAR AH MAALMAHAAN?
J . Ugu horayn waxaan umahadcelinayaa bahda mowqica islaax.org, markaan usoolaabto jawaabta su,aasha kor ku xusan, marxaladda dhallinyaranimadu waa marxalad aad muhim u ah maxaa yeelay waxay kulmisaa khibrad iyo wacyi sababtoo ah marxaladdii kahoreysay ee loo yaqaan marxaladda qaangaarka waxaa aad ugu xoog badan waxa la yiraahdo caadifad, caadifadaasna ku harimeyso marxaladda qaangaarka oo way lasocotaa marxaladda dhalinyarada laakiin waa ruuxa dhalinyarada ah inuu ka soo kasbadaa marxaladii qaangaarka khibrad, waxaa uuna ku darsadday awoodda dhalinyaranimo oo weliba caqliyeysatay, sidaas darteed baa waxaa la yiraahdaa marxaladda dhalinyaranimo waxay kulansatay sadax arrimood.
Firfircooni aad usareysa
Khibrad uu soo kasbaday marxaladihii kahoreeyey dhallinyaranimada.
Wacyi aan marxaladihii qaan gaarka jirin, waxaana layiraahdaa arimahaasi waa waxyaabaha lagu sheego in ay dhaliyaan isbedalka .
Sidoo kale, isbedelkasta ee caalamka ka dhaca dhallinyarada ayaa lafdhabar ka ah , sidaas darteedbaa dhamaan dacwaadka rusushii Allaah soo diraybaa waxaa ugu badnaa ee raacay xojiyana ay ahaayeen dhallinyarada .
Sidoo kale fikir walba oo caalamka ka jira lana doonayo in lafaafiyo dhidibadana loo taago dhallinyaradu waxay ka yihiin udub dhexaad waxaana soo arooray azar tilmaamaya markii dadka da`da ahi diideen dacwada rususha ayaa dhallinyaradu soo raaceen dhallinyaradana waxaa ahmiyad loo siinayo waxaa ugu muhiimsan waqtiga dheer ee uu haysto ruuxa dhallinyarada ah iyo awooda dulqaadka .
S . WAXAAD WAX NOOGA SHEEGTAA MUSHKILADAHA UGU WAAWEYN EE DHALINYARADA SOOMAALIYEED MAANTA HEYSATA?
J . Dhallinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan mushkilado waawayn bay lakulmaan waxaana ka mid ah mushkiladahaas.
Majiro jawi kaalmeeya kafaa`iidaysiga awoodaha ay hayaan.
Mahelaan mawaahibtooda meel ay kusoo bandhigaan iyo xitaa dareenkooda .
Mahelaan dayasho wanaagsan, maxaayeelay dadka ay la noolyihiin waa dad aan aqoon lahayn inta badanna ay qalbiyadooda ka buuxdo qabyaalad.
Sidoo kale, dadka ay la noolyihiin waadad maslaxadda gaarka ah mooyee aan wax kale danayn.
Waxaana ugu daran in aysan dhallinyarada Soomaaliyeed maanta helin ku dayasho, maxaa yeelay haduu heli lahaa qof wadaniyad leh oo uu uga daydo wadaniyadda, ama mid uu uga daydo akhlaaqda iyo dhaqanka suuban wuu raaci lahaa, nasiib darose jawiga uu ku nool yahay wey ku yaryihiin dadka sifooyinkaas aan soo sheegnay leh.
Marka halkaa waxaa nooga soobaxaya in ay jirto waxa layiraahdo:
( أزمة القدوة والقيادة )
Nuqsaan xagga hogaan & kudayasho wanaagsan
Ruuxa dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ee maanta joogaa labadaas maheysto waana mushkiladda ugu wayn ee haysata dhallinyaradda Soomaaliyeed taas ayaana waxay sahleysaa in si xun looga faa,iideysto awoodda dhallinyaradda loona jiheeyo qabyaalad iyo masaalix gaar ah, qolo kasta ee timaadana waxay uga faa`iidaystaan sida ay doonaan, maxaa yeelay wacyi majiro, mawaahibtoodana lama jaribo oo looma habayn siday u kala dooranlahayeen ciday wax la qabsan karaan iyo cidda aysan waxba la qabankareyn oo maslaxaddooda aan ka shaqeyneyn.
Lasoco Q2 aad