Warsaxaafadeed
Beenin eedaha Madaxweynaha
Maamulgoboleedka Puntland
26/07/07
Xarakada Islaax waxaa lama filaan ku noqotay eedaynta aan salka iyo raadka lahayn ee uu madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland u soo jeediyay Xarakada, isaga oo ku eedeeyey inay ka dambaysay mudaaharaadkii ka dhacay magaaladda Garoowe 25/07/2007 .
Xarakada Islaax waxay si buuxda u beeninaysaa guud ahaanba eedaha uu Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland usoo jeediyey, waxayna cadeynaysaa inaysan wax lug ah ku lahayn mudaaharaadkii ka dhacay Garoowe.
Xarakaduna waxay ka dalbaysaa in Madaxwaynuhu uu raalligelin ka bixiyo eedaymahaas aan waxba ka jirin.
Xarakada Islaax waxay ku faraxsantahay islamarkaasna bogaadinaysaa xasiloonida iyo hurukaca ay xaqiijiyeed reer Puntland, shacab iyo maamulba, waxayna ka soo horjeedaa wax kasta oo dhaawici kara nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.
Ugu dambayntii, waxaa xasuusin mudan in Xarakada Islaax mudadii ay jirtay ay ku caan baxday ka shaqaynta nabadda, dib-uheshiisiinta, horumarka dalka iyo u ololeynta soo celinta dawladnimada Soomaaliyeed;
Islamarkaana ay ka soo horjeeddo dagaalada sokeeye iyo wax kasta oo waxyeeli kara xasiloonida guud.
Allahu Akbar Walilahixamd
Sh. C/lahi Cali Xayle
Afhayeen u hadlay Xarakada Islaax