HORUMAR WAXAA GAARA BULSHO HAGAAGSAN
22/8/2008
Marka laga hadlayo horumarka ay gaarto umadkasta waxaa loo tiriyaa inay wanaagsantahay bulshadeeda ayna tahay mid wax qbashada ku wanaagsan,bulsho kasta oo wanaag ku fekerta waxaa hubanti ah inay gaareyso yoolka ay hiigsaneyso oo ah horumarkaas ay rabto inay ku tilaabsato.
Qormadeenaan oo ku saabsan horumar waxaa gaara bulsho wanaagsan waxay ina dareensiineysaa in bulsho fikirta ay soo saarto dad dal ku haboon in lagu noolaado, bulshada wanaagsan waa tan ka fekerta horumarka dalka iyo dadka sida inay hormariso qaybaha kal duwan ee Horuumarka Bulshada ku jiro, dhanka waxbarashada, caafimaadka dhaqaalaha iyo dhinac kasta, hadaba waxaa la orankaraa Bulshada Nuucaas ah waa bulsho u taagan horumar iyo wax qabad.
Waxaan tusaale usooqaadan karaa dhanka wax barashada dalkeena xilliyada bur burka kadib cidwaliba waxay ku fekertay waxay islahayd waad ka gungaari kartaa oo waad ka soo dhalaali kartaa, laakiin alle mahadaii dadkii ku fekaray inay bulshadooda wax uqabtaan ayaa waxay muujiyeen howl karnimo aad uwanaagsan dadkaasi waxaa lagu tilmaami karaa naftood hure yaal aad uwanaagsan.
Horumar waxaa gaara bulsho wanaagsan bulshada waxaa lagu tilmaamikaraa inay yihiin bahda waxbarashada oo la orankaro waxay dalka u hurseedeen aqoon waxaana la dhihi karaa waxay muujiyeen tusaale mudan in lagu daydo sababtoo ah waxay dalka ka hirgeliyeen wax barasho ka bilaabatay dugsi hoose ilaa jaamacad iyo wax ka sareeya.
Qeybta ku xigta waxaa la,orankaraa inay tahay bahda caafimaadka oo iyagana muujiyey nafhuridnimo waloow aan ognahay inay in badan oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay wadanka isaga baxeen laakiin waxaa la orankaraa inta hartay waxay muujiyeen nafhuridnimo aad u wanaagsan waxyna xaqiijiyeen in aanay jirin meel dalkooda uga wanaagsan oo ay ku doorsan karaan.
Gabagabadii bulshada soomaaliyeed waxaa hormarinkara dad u istaagay inay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan in badan oo kamid ah waqtigoodana kubixiya sidii ay bulshada Soomaaliyeed u gaari lahayd dad wax istara kana fekera danta umadooda dalkoodana ka dhiga mid lagu daydo xaga horumarka.