TAHNIYADDA CIIDDA CARAFO
Kullu Caam wa antum bikhayr
26/11/2009
Guddoomiyaha xarakada Al-Islaax wuxuu hambalyo u dirayaa, munaasabadda Ciidda Carafo darteed, Dhammaanba dunida muslimka gaar ahaanna shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna u dardaarmayaa inay ka faa`iidaystaan maalmahan khayrka leh iyadoo laga duulayo qowlkii Eebe:-
( وتزودوا فإن خير الزاد التقوى واتقون يا أولي الألباب )البقرة - 197
Guddoomiyaha xarakada Al-Islaax wuxuu ku baaqayaa:
Ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo kareebtoonaanta waxa ay reebtay.
Iscafin iyo walaaltinimo ku salaysan dhowridda Mabaadi`da Islaamka , iyo in laga wada shaqeeyo sidii dalka nabad, heshiis iyo deganaansho buuxda loogu soo dabaali lahaa.
( وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلا تُحِبُّونَ أَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ) النور - 22
Xoojinta deganaanshaha gobollada nabdoon ee Soomaaliyeed, iyo in laga ilaaliyo wixii dhaawici kara nabadooda.
In kaalmo degdeg ah lala soo gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaaloobay abaaraha, qaxa iyo barakaca.
Ugu dambayn waxaan Ilaahay ka baryaynaa in ciiddan ciiddeeda ummadda Islaamka, gaar ahaan Soomaalida, ugu soo celiyo amni iyo barwaaqo.
Allaahu Akbar WalillaahilXamd
Dr Cali Baashe Cumar Xaaji
Guddoomiyaha Xarakada Al-Islaax