عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

TACSI TIIRAANYO LEH

إنا لله وإنا إليه راجعون

14/10/2008

Waxaan uga Tacsiyadaynaynaa Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Bahda waxbarashada, gaar ahaana Jaamacada Muqdisho Maamul iyo ardayba Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Dr. Axmed Jimcaale Maxamed (Kaastaro) maalintii Isniinta 13/10/2008 .

Borofisoor Kaastaro wuxuu kamid ahaa macalimiinta soo dhisay tacliinta sare, oo uu ku soo jiray muddo ku dhow afartameeyo sanno. Wuxuu ka mid ahaa macalimiintii ugu horeeyay ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyaddii Waxbarashada Lafoole; Burburkii dawladda ka dib wuxuu ka mid noqday borofisooradii wax ka bilaabay Jaamacadda Muqdisho, oo uu illaa hadda borofisoor ka ahaa.

Marxuum Dr.kaastaro Allah ha unaxariistee waxaa uu dhawaan kasoo laabatay wadankaasi Suudaan isagoo ka soo qaatay shahaadada sare ee PHD.

Marxuumka Allaah naxariistii janno haka waraabiyo, dhammaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka tagtayna samir iyo iimaan haka siiyo .

AAMIIN...AAMIIN...AAMIIN

إنا لله وإنا إليه راجعون

 


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010