عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Taariikh nololeedka Sh Axmed Rashid Xanafi oo kooban

16/5/2007

Sh. Axmed Rashiid Sh. Xanafi Waxa uu ku dhashay tuulada Jameeca Sheekh Bashiir oo ku taal nawaaxiga Degmada Jowhar kana tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Quraanka waxa uu ku xafiday tuulada Jameeco Sheekh Bashiir isaga oo jira 10sano, waxbarashada hoose 1959-`1962 wuxuu ku dhamaystay isla tuuladaan. Dugsiga dhexe 1963-1967, Dugsiga sare1967-1970 wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, dabadeedna macalin ayuu ka noqday American School Jamaame ku yaalay, isaga oo ka dhigi jiray maadada Tarbiyada Islaamka iyo luqada carabiga, halsano ayuu macalin ka ahaa, ka dibna 1971-1976dii waxa uu waxbarasho jaamacadeed u tagay wadanka Suudaan, waxa uu na galay jaamacada Khartuum, kuliyadda aadaabta qeybta Taariikhda iyo cilmiga Siyaasada. Halkaasna wuxuu uga sii gudbay wadanka Sucuudi Carabiya waxaa uuna ka shaqa bilaabay shirkadda duulimaadka ee sacuudi carabiya 1977 -1987 magaalada Riyaad .

Dabadeedna waxa uu u haajiray Sheekhu wadanka kanada 1988, waxa uu noqday qofkii 1aad ee xarakada Islaax kanada tagay, kana bilaabay howlihii xarakada.

Sheekha waxa uu ka qaybgalay intii uu ku noolaa dalka Kanada tonaan shir oo Islaami ah oo lagu kala qabtay Ameerika iyo Yurub.

Sanadka markuu ahaa 2003-2005 waxa uu wax barasha u tagay jaamacadda Ohio University eek u taal cariga Maraykanka waxa uuna ku soo diyaariyey Master Degree.

Sheekha waa ustaad wax ka dhiga jaamacada Muqdisho waana madaxa qeybta waxbarashada durugsan ee mastereedka jaamacada muqdisha Sheekha waa khadiib waana daaci .

Sheekha waa xaasle lehna 6caruur ah oo sooran ah (waa sadex wiil iyo sadex gabdhood)oo dhamaantood jaamiciyiin ah Allaah ha u xifdiyee.

Waxaan Allah ka baryaynaa inuu Sheekha cimri dheer iyo cibaado suuban uu Allah ugu deeqo, isagoo kalena uu nagu dhex badiyo.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008