عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

SHUBAN BIYOOD KADILAACAY GOBOLADA QAAR

25/2/2007

Laga soo bilaabo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa bilowday dhibaatooyin aan horay loo qorshayn qaabka loo maarayn lahaa, dhibaatooyinkaa oo isugu jira kuwa dabiici ah iyo kuwa dadku abuureen, ha noqdeen dagaalo, abaaro, cudurada kadhasha wasakhda iyo nadaafad darida sida shuban biyoodka.

Haddaba cudurka shuban biyoodka looyaqaan ama daacuun caloolaha marar dhowr ah ayuu ku soo noq noqday meela ka mid ah wadanka Soomaaliya isagoo ka geystay dhibaatooyin dhimasho iyo macluul aad u ba,an intaba.

Xiligan aanu joogno waxaa jira in uu cudurkaasi fara ba,an ku hayo gobalada qaar, sida wararka laga helayo goboladaasi ay sheegayaana dhibaatadu way balaarantahay waxqabadka iyo gurmadkuna way yaryihiin. waxaana ka mid ah gobolada laga soo sheegayo dhibaatooyinka, gobalka Hiiraan iyadoo tirada uu sooriday cudurkaani ay kor u dhaaftay 300 oo ruux 100 ka mid ah oo isugu jira caruur iyo dad waawaynba ay u geeriyoodeen cudur kaasi, iyadoo wiliba la soo sheegayo in xitaa xarumaha loogu tala galay in la geeyo bukaanada aanay wax daryeel ah oolin, xitaa waxaa la leeyahay meelaha qaar ma heystaan wax gogol ah oo qofka bukaanka ah laga xejiyo shamiintada si uu dhinaca u saaro, sariirna warkeedaba daa.

Waxaa kale oo ka mid ah gobalada cudurkani ka jiro gobalka Shabeelada dhexe, waxaana lagu soo waramayaa in tira aad u fara badan uu soo riday cudurkani iyadoo ay bukaanada qaar soo gaari la,yihiin magaalooyinka ay suura gal tahay in wax uun daryeel ah laga helo oo tuulada dhaama. dhulkii oo fog ayaa hadana waxaa yaala meela badan oo kamid ah biyo oo gawaaridii magali kareyso waxeyna dantu baday in ay adeeg sadaan dadku gaari gacano iyo dameero ama dushooda si ay u gaarsiiyaan bukaanadooda meelaha ugu dhaw ee wax lagu daweeyo taas oo qaadanaysa mudo dheer, iyo qofkii xanuunsanaa oo aad u sii dhibaatooda, waxaaba laga yaabaa in qofkii ladoonayay in lasoo daweeyo uu dhex ku geeriyoodo.

Hadaba, dhibaatada laga soo sheegayo meelaha uu ka jiro cudurkani waa wax aad looga naxo, maxaa yeelay shubanku waa cudur u baahan in islamarka lagu arko qofka wax laga qabto ee maaha cudurada lala sugi karo gurmad meel fog ka yimaada ama in loo qaado meel fog toona.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah gobalada uu faraha ba,an ku hayo cudurkani gobalka Shabeelada hoose oo laga soo sheegayo in uu aad u halakeeyay bulshada ku nool gobalkaasi iyadoo aanay jirin cid gaarsiisa daryeel ku filan dadka dhibaataysan xitaa ma heystaan goobo lagu xanaaneeyo bukaanada waxaaba la leeyahay waxay isugu geeyeen magaalooyinka qaar bukaanada dugsiyadii waxbarashada wayna buux dhaafeen, wax gurmad daryeel ahna wili maysan gaarin.

Guud ahaan meelaha uu ka jiro cudurkaani waxaad moodaa in sanadkaan uu kaga daran yahay sanadihii lasoo dhaafay ee cudurkani ku habsaday meela ka mid ah gobalada dalka, maxaa yeelay sanadkaan waxaa uu ku soo aaday iyadoo marxaladda dalku marayaa tahay kala guur markaas bay cid waliba waxay leedahay bal hubi halka aad cagahaaga dhigeyso xitaa qofka caadiga ah ayaanay suuragal u ahayn in uu u daneysto meeshuu doono waayoo waxaa imaan kara in la is weydiiyo qofkani lama garanayee xaguu kayimi, yuuse matalaa, ama lagu tuhmaa in uu ka tirsanyahayba qolo aan meeshaas laga jecleyn, sidaasi darteed waxaa la oran karaa marxaladani waa marxalad aad u dhibaato badan dadka soomaaliyeed ee cuduradu ugu darsameena warkoodaba daa.

Hadaba cudurka shubanbiyoodka waxaa keena sababo laga yaabo qaarkood in la iska ilaalin karo hadii ay bulshadu u istaagi lahayeen howlihii dowladaha hoose ay qaban jireen, waxaana ka mid ah qashinka iyo wasakhda oo la iska fogeeyo iyo nadaadfadda guud oo lagu dadaalo lakiin waxaa jira kuwa aan laga wareegsan Karin oo ay ka mid yihiin biyaha wasakhda ah oo lacabo wayo qof ka ku nool baadiyada maba heli karo biyo nadiif ah, waxayba kacabaan dhulka biyo ku haray, kadib markey yaraadeen biyihii webiyada kasoo fatahay oo wasakh noqday oo xitaa duur joogta iyo dadkuba ka wada cabaan meel kaliya ileen way u wada baahanyihiine.

Hadaba mar haddii xaaladdu sidaa tahay maxaa la gudboon hey,adaha gargaarka iyo bulshada guud ahaan ?

Waxaa la oran karaa waajib ayaa saaran bulshada iyo hey,adaha samafalkaba, waana in ay gutaan dhamaantood dowrkooda, bulshadu waa in ay u istaagtaa ku baraarujinta dadka waxyaabaha ay ka dhashaan cudurada iyo halista nadaafad la,aanta, garab istaagaanna walaalohooda dhibaatadu soo wajahday .

Hey,adaha samafalkana waxaa laga dalbayaa in ay gurmad u fidiyaan umada dhibaateysan hadii ay noqon lahayd dawo ama biyo nadiif ah ama xitaa u samaynta xarumo lagula tacaalo cudurkaani ku soo noq noqday gobolo kamid ah soomaliya.

Hay,adaha samafalka qaarkoodna waxay durba bilaabeen inay kaalintooda gutaan waxayna dawo iyo dhaqaatiir iyo kal,kaaliya yaal caafimaad u direen goobo ka mid ah meelaha cudurkani ka dilaacay waxaana ka mid ah hey,adahaasi hey,adda wadaniga ah ee ( zamzam foundation) oo tuulooyin katirsan gobolka Shabeellada dhexe ka qabatay howlo gurmad ah aadna u wayn waana hay,adii ugu horeysay ee u is taagtay wax u qabadka dadkaasi dhibaateysan.

Wa xaana la gudboon hay,adaha samafalka wadaniga ah iyo kuwa kaleba in ay ku daysadaan bilaabaana howshan oo kale ayna ku badbaadiyaan dadkaasi dhibaataysan ee uu halakeeyey cudurkani shuban biyoodka ah iyo cudurada la,olaga ah sida malaariyada, daafka, kaadi dhiigta, iyo dhiigyarida, intaba.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008