Shicaaraadka ururada xoraynta dumarka
23/12/2008 :ururada u istaagay waxa ay ugu yeereen xoraynta dumarka waxaa ay qaateen shicaaraad ay ku khaldayaan dumarka sida xuriyad, sinaan, ilbaxnimo, aan xuduud lahayn, taasoo dabiicad ahaan keenaysa in ay meesha ka baxdaa qawaamadii Alla ku sheegay kitaabkiisa, ee ragu kaga duwanaa haweenka.
الرّجال قوامون على النّساء.سورة النّساء آية34
Arinkaasina waxaa uu keenayaa in kala talo qaadashadii iyo dhaqamadii suubanaa ee islaamiga ahaa iyo isku xirnaantuu lahaa qoysku meesha ka baxaan, iyadoo arinkaasina keenayo qoyska oo dayacma, kadibna bulshada dhamaanteed uu dayacaasi saameeyaa.
Hadaba tarjamada dhibaatooyinkaa dayacanka qoyska iyo bulshadaba waxaan ku aragnay qoysaska iyo bulshada reer galbeedka guud ahaan.
waayoo waxaanu aragnaa kala jab jabka iyo kala fogaanshaha qoysaskooda iyo bulshadooda, oo aanay jirin wax isku xiraa oo ka sokeeya in loo wada hogaansamaa qawaaniinta wadanka ay ku noolyihiin.
Waalidnimo laysku tixgeliyo ayaan jirin, walaalnimo iskaba daa, iyadoo ay saa tahay arintoodu ayaa waxaa nasiib dara noqotay in wax badan oo haweenka muslimaadka ah ku sirmaan shicaaraadkaas faariga ah oo aanay waxba ka hoosayn.
Islamarkaana u maleeyaan in hadii ay qaataan nidaamkaa diin la`aanta ah ay gaarayaan guulo, nicmana ay galayaan, taasina waa khatarta ugu weyn ee ku imaan doonta, waayoo waxa ay khasaarayaan aakharadoodii iyo aduunka oo ay karaamadii Allaha abuuray siiyay ay ku waayaan.
mabaad`ida ay ku shaqaynayaana waxa ay si toos ah uga hor imaanaysaa aayaadka Allaah (SW) iyo axaadiista rasuulka (NNKH) ileen waxay doonayaan in ay raga dhax fariistaan oo ikhtilaad sameeyaan, waxay doonayaan in ay xijaabka dhigaan mafaatin tooda ay baneeyaan, in ay hadalkii laga reebay la yimaadaan iyo wax yaaba kale oo dhamaantoo si toos ah uga hor imanayaa diinta islaamka.
Hadaba qormada soo socota waxaan uga hadli doonaa haduu ala idmo asbaabaha ku kalifaya in ay haweenka muslimaadka ah dhagaystaan dacawaadkaa xun xun, iyo xuquuqda Alla siiyay haweenka.
Wabilaahi towfiiq