عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

RUNTA KA DHIGO DABEECAD KUGU TALAALAN

21/1/2007

(runtu waa caalamada lagu garto mu`minka)

Tilmaamaha qofka wanaagsan lagu garto waxaa ka mid ah runta taasoo diinteenu aad uga hadashay si dheerna waano ugu bixisay, rasuulkeena muxamed (N.N.K.H.) wuxuu yiri: runta ogaada waxay idiinku hanuunisaa samaha kadibna janada.

Run iyo beena kala raadleh qofka isaga oo kaskiisa la kaashanaya waxaa ku haboon inuu jidka runta ah aanu kaleexan oo dabeecada ku talaalan uu ka dhigtaa ruuxa hadalkiisu cad yahay ee aan leex leexashada aqoon hadalkuu oranayo aan lagaban si kastaba ha ahaatee waxaa haboon ama fiican in lagu yaqaano runta si uu qiima u yeesho hadalka qofku.

Runta waa lagu nabad galaa beentuse wey ku dabartaa qofka beenta badsadana waxay ku abuurtaa fuleynimo, naxdin iyo kalsooni la`aan farqiga u dhaxeeya runta iyo beenta waxaan ka dheehan karnaa dhacdadan soo socota.

Beribaa nin sheekh ah oo meel fadhiya waxaa ku soo baxay nin ordaya sheekhii ayaa su`aalay oo yiri “war maxaa ku eryaya? Ninkii ordayey ayaa yiri ragbaa idili raba oo icayrsanaya ee I badbaadi “sheekhii ayaa yiri kuma badbaadinkaree baldoogaas ku dhuumo, ilbiriqsiyo ka dib waxaa yimid ragii cadawga ahaa waxay yiraahdeen sheekhoow ma aragtay nin baxsad ah? Sheekhii ayaa ku jawaabay haa wuxuu ku dhuumanayaa doogaa.

Ninkiina dooga ayuu ka dhageysanayey hadalka ay isweydaarsanayaan sheekha colkii isaga carsanayey ee uu islahaa cagtaada ayaad kaga soo fakatay oo meeshaan ma soo gaari karaan markuu hadalkii maqlay naf wuu ka samray oo wuxuu islahaa inta ay kuu yimaadaan ayey dooga dhexdiisa kugu gawracayaan balse nimankii ayaa la yaabay sheekha iyo hadalkiisa waxayna u dhaqaaqeen hortooda oo waxay sii wateen socodkoodii si,ay ninkii u raadiyaan markii ay fogaadeen ayuu ninkii dhuumanyey soo baxay isagoo ku kheylinaya “sheekhoow waad I shirqooshay oo waad idili gaartay ee maxaad ii sheegtay?

sheekhii ayaa yiri “hadayna run ku bad baadin ma been baa ku badbaadinlahayd .

Nbiguna waa kii lahaa N.N.K.H: Runtu waa bad baado

Akhristoow waxaan sheekadaa yar ka qaadanaynaa wanaaga ay leedahay runtu, iyo qasaaraha ka dhalankara qofka beentiisa, waxaana wanaagsan in qof walba uu isagu is edbiyo oo naftiisa baraa runta iyo xaqqa.

IBNUL MUQAFAC ayaa lagu yiri “ yaa ku edbiyey markaasuu yiri (anigaa is edbiyey waxaa kale oo la weydiiyey sideed isku edbisay waxaana uu ku jawaabay “ hadii aan arko wax wanaagsan waan sameyn jiray hadii aan arko wax xuna waan ka fogaan jiray.

Qof kasta oo ka dhigta run dabeecad ku talaalan halbeegiisa wuxuu noqon karaa wanaag uu ku gaaro aduunyada horumar fiican aakhirana jano inshaa alaah.

Gabagabadii qofkasta oo inaga mid ah waxaa haboon oo uu wanaagiisa kujiraa inuu runta abaaro beentana ka fogaada markaas ayuu gaari karaa wanaag aduun iyo mid aakhiro inshaa alaah.

Allaahna waxaa uu lee yahay: (dadka Alla iyo rasuul rumeeyayow Alla ka baqa kana mid noqda kuwa runta badan) suratu towba ayada 119

Wabilaahi towfiiq


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008