عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Qawaacida dacwada Allah ee qofka daaciga ah naftiisa.

Qaacidada 1aad

Waajib ahaansha in uu ka bilaabaa dacwada hagaajinta naftiisa.

1/12/2008

Waxaa uu yiri shiikha la yiraahdo Sheikh C.qaadir al kaylaani Alla ha u naxariistee.

(hadii qalbiga insaanKu hagaago uuna gaaro u dhawaanshaha Allaah waxaa la siiyaa awood iyo sulda uu ku yeelanayo qudriyada dhulka waxaana loo dhiibaa in uu ku fidiyo dacwada xaqa ah, sidookale waxaa la siiyaa dulqaad uu u dul qaadanayo dhibaatada loo gaysanayo si uu ugu guulaysto xaqa in uu soo saaro baadilkana uu badalo).

Sidoo kale waxaa uu leeyahay al ustaad Mustafa Saadiq al rufaaci Allaah ha u naxariistee.

( waanada iyo wacdiga hadii aan usluub kalsooni leh lagu gudan waxay u ekaataa baadil, waxna ma badali karo ruu aan lahayn naf hagaagsan lehna awood wax badal, sida ruuxdi anbiyada oo kale iyo qofkii dariiqi ruxda anbiyada oo haya).

Sidoo kale waxaa sii adkayanaya arinkaa al ustaad C/wahaab Cazaam Alla ha u naxariistee.

waxaana uu leeyahay ( kuma dhawaaqo kalimada xaqa khaalidka ah caqli mudrik ah mooyee, oo wilibana saliim ah, ama qof hadalkiisu muctabar yahay kuna kalsoon ra`yigiisa, hadalkiisuna magaarayo qalbiyada dadka uu u yeerayo isagoo aan qalbiyadooda gaarin).

Siduu yiri taabicigii: shahri ibnu xawshib hadii uu daacigu qola u yeero, dacwadiisaasi waxaa ay quluubtooda ka gaaraysaa inta isaga ay kalsooni ku qabaan qadar la eg.

Halkaasi waxaa aan ka qaadanaynaa in daaciga qofka ah ay lagama maarmaan u tahay in uu naftiisa kabilaabo hagaajin, uuna noqdaa qalbigiisu mid Alla ku xiran si dacwadiisu uga hesho quluubta dadka uu uyeerayo madkhal iyo qubuul.

Lasoco qaacida 2aad ee daciga


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010