Qaacidooyinka dacawada Allaah
19/11/2008:
Waxaa lagama maarmaan ah qofka daaciga ah ee u istaagaya dacwada Allaah in uu tixgeliyaa qaataana 11qaacido oo u noqonayaan kaalmo si uu ugu guuleysto dacwadiisa.
Hadaba 11kaa qaacido waxay u qabsan yihiin 3qaybood oo kala ah:
Qaybata 1aad waa sadax qaacido waxaana laga rabaa ruuxa dacwada loogu yeerayo.
Qaybta 2aad waa afar qaacido waxaana laga rabaa qofka daaciga ah.
Qaybta sadaxaadna waa afar qaacido waxaana laga rabaa wasiilada daacigu adeegsanayo si dacwadiisu u najaxdo.
Hadaba sadaxda qaacido ee ugu horaysa waa saxada laga doonayo qofka dacwada loogu yeerayo waxayna kala yihiin:
- lagama maarmaan ahaanshada ilaalinta ruuxa looyeerayo marxalada cumrigiisa.
- lagama maarmaan ahaanshada ilaalinta ruuxa looyeerayo marxaladiisa aqooneed iyo thaqaafadeed
- lagama maarmaan ahaanshada in labaaro wixii caqabaat iyo turun turooyin hortaagan
hadaba qormadaan waxaan kusoo qaadanaynaa qaacidada ugu horayso ee ah (lagama maarmaan ahaanshada ilaalinta marxalada cumriga ruuxa dacwada loogu yeeraayo)
Waxaana muhim ah in la tixgeliyo marxalada cumriga ruuxa dacwada loogu yeerayo waxaana ugu daran oo ugu khatarsan maraaxishiisa marxalada loo yaqaano marxalatul muraahaqa, marxaladaasina waxa ay uga baaantahay ruuxii latacaamulaya in uu si daqiiq ah oo dadaalbadani ku jiro u tixgeliyaa.
Waxaana la dhihikaraa calaamadaha ay leedaha marxaladaa muraahaqada ah ruuxu looyeerayo markuu ku jiro in uu is ged gedis badanyahay oo meel kuma sugnaado, arinkaana ruuxii daaci ah ee aan ku baraarugsanayn lana shaqaynaya muraahiqiin waxaa dhacaysa in uusan wax weyn ka keenin.
Hadaba ruuxa daaciga ahaw hadii aad la tacaamulayso marxaladaa iyada ah waxaad ku qasbantahay in aad sigaar ah u fahamtaa oo aadan dhayilsan afkaartiisa iyo ra`yigiisa ee waa in aad u furtaa majaal uu ra`yigiisa ku cabiro intuu doono haliidnaado ra`yigaasiye.
Ogowna hadii aad majaal uu ra`yigiisa ku cabiro hadaad siinweydo waxaad xirtay albaabka qalbigiisa aad ka geli lahayd waxaadna iska lumisay furayaashii albaabkaas wax badal kaaga noqonkarana helimaysid.
Hadaba ducaada waxaa la gudboon marhadii ay marxaladaas la tacaamulayaan in ay usluubkooda ka badalaan usluubkuu meeriska iyo laqinida ee ay u badalaan xiwaar iyo munaaqashaad.
Sidookale waa in la dhagaysto ra`yigooda loo ogolaadaa in ay wax badalaan, si ay ugu qan can in ay xaqiijiyaan kartidooda iyo wax qabadkooda.
Hadii aan sidaa kula dhaqano waxaa dhacaysa in aan ku guulaysano in ay nagu wareejiyaan furayaasha qalbigooda waana in aan anaguna iska ilaalino in aan dayacno furayaashaas naloosalimay.
Lasoco Qaybta2aad