Qadiyatul khidam Q3 (Muuqaalada qaar aan hagaagsanayn)
19/01/2009
Kaalmaysiga hkaadimyada qaar waxaa ay wataan madaahir aan hagaagsanayn, waxaana laga doonayaa muslimiintu in ay ka dig toonaadaan, waxaana ka mid ah madaa hirtaas ama muuqaaladaas aan wanaagsanayn ee khudamada qaar wataan:
In khaadimka ama khaadimadu aanay ku dhawrsan akhlaaqiyaadkii islaamiga ahaa taasina ay qoyska dhexdiisa ku abuurto kala shaki, kala shakiguna waxaa uu ugu horeeyaa aaladaha lagu dumiyo guryaha.
Ama qoyska laf ahaantiisu aanuu dhawrayn akhlaaqiyaadkii islaamka taasina ay keento in khaadimka ama khaadimadu kala kulanto xaga afraad qoyska ka mida wax aan ha boonayn.
Waxaa mararka qaar dhacda in ay khaadimadii nuujisaa ilmihii yaraa ee lagu dhaafay taasina ay keentaa in ay isku darmaan ansaabtii iyadoo aan la ogayn halkaana xuquuq iyo waajibaad ku dayac maan.
In khudamadu faafiyaan asraarta qoysaska ay la joogaan taas oo keenaysa in xiriirka iyo wada noolaashuhu ku baa ba`aan, is ixtiraamkuna ku lumaa, qiyamkii wanaagsanaa ee bulshad islaama ahna la waayaa.
Waxaa laga yaabaa in khudamada qaarkood ku kacaan suluukiyaad xun xun, sida tuugnimo, been iyo khiyaamo, iyo ku faafin shukuuk iyo u kal sheekayn reeraha iyo diriska dhexdooda.
Arimahaas oo idil waxay ku waajibinayaan ruuxa muslimka ah in uu aad uga fakaraa isagana ilaaliyaa xuquuqda iyo waajibaadka ka dhaxeeya isaga iyo khaadimkiisa, labadooda mid kastaa (waa khaadimka iyo sayidka`e) waxa uu leeyahay xuquuq, waxaana lagu leeyahay waajibaade, Allaahna waxaa ka baryaynaa in uu na waafajiyo xaga khayrku nagajiro.
Wabilaahi towfiiq