عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Qormada 2aad ee qadiyatul khidam

Habka loola mucaamaloonayo khidamka

19/01/2009

Islaamku waxaa uu ku waajibinayaa qoys kastaa iyo qof kastaa ee khaadim leh in ay hagaajisaa mucaamaladiisa, Allaahna uga baqdaa khaadimka, ayna qalbiga ku haysaa in wax farqi ah aanay u dhaxayn kan khaadimka ah iyo kan loo khidmaynayo Allaah hortiisa.

Waxaana muslimiinta ugu sugan Nabi Muxamad (NNKH) ku dayasho wanaagsan, waxaana laga weriyay Anas binu maalik Alla ha ka raali noqdee

رواه مسلم خدمتُ رسول الله ( تسع سنين فما أعلمُه قال لي قَطُّ: لم فعلت كذا أو كذا، ولا عاب على شيئًا قط.

Waxaan u adeegayay Rasuulka Allaah (NNKH) sagaal sanadood mana xasuusto abid isagoo igu yiri maxaad waxaa iyo waxaa u samaysay, ceebna kamuusan sheegin abid wax aan sameeyay.

Waxaa waajib ku ah muslimiintu in ay hagaajiyaan mucaamalada khaadimkooda, una naxariistaan, wiliba waxaa haboon in sayidku ugu kaalmeeyaa waxyaabaha qaar khaadimkiisa, wax cayba ama nusqaan ahna kuma jirto, wiliba arinkaasi quluubta ayuu jilciyaa, naftana wuu layliyaa, kalgacaylna wuu beeraa.

Waxaana ruuxa muslimka ah ee loo khidmaynayo laga doonayaa diintiisa islaamkuna faraysaa in uu noqdaa mid mucaamaladiisu u dhaxayso ad adayg iyo ihmaalin, maxaa yeelay hadii sayidku jileec zaaida noqdo khaadimkuna wuu fududaysanayaa, hadii uu ad adayg zaaida noqdana wuu nacbaysanayaa.

khaadimna hadii la is ka daayo oo aan la hagayn wuu fasaadaa, marka sayidku waa in uu u dhaxeyaa tacaamulkiisu labadaa dhaqan, arin walbana waxaa ugu haboon dhex dhexaad nimada, islaamkuna waa diinul wasad.

ويحكي أنس موقفًا له مع رسول الله ( يقول كان النبي من أحسن الناس خلقًا، فأرسلني يومًا لحاجة، فقلت: والله لا أذهب. وفي نفسي أن أذهب لما أمرني به نبي الله فخرجتُ حتى أمرَّ على صبيان وهم يلعبون في السوق، فإذا الرسول قد قبض بقَفَاي من ورائي، فنظرت إليه وهو يضحك، وقال يا أنيْس، أذهبتَ حيث أمرتُك ؟) قال أنس: قلت: نعم أنا أذهب يا رسول الله.رواه مسلم

Anas waxaa uu ka sheekeeyay mowqif dhexmaray isaga iyo Rasuulka (NNKH) anas waxaa uu leeyahay Nabigu waxaa uu ahaa dadka kan ugu dabeecada wanaagsan, maalin ayuu howl ii dirsaday, waxaan ku iri walaahi ma adayo anigoo doonayan in aan fuliyo waxa uu Nabiga Ilaahay ifaray, waan baxay waxaana la kulmay caruur suuqa ku ciyaaraya, isla markiina waxan ba arkay Rasuulki ilaahay oo xaga dambe qoorta I haya, wan fiiriyay isagoo qoslaya, markaasuu wu xuu yiri anas yare ma fulisay wixi aan ku amray?, Anas waxaa uu yiri waxaan ku iri Rasuulki Allow hada ayaan fulinayaa.

Mowqifkani waxaa uu kuu cadaynayaa la dhaqanka wanaagsan, iyo mucaamalada hagaagsan, ee dhex dhexaadka ah si aad ugu dayato la ta caamulkaaga khidamka macalimkii Bashariyada.

Lasoco qormada 3aad ee qadiyatul khidam

(madaahirta qaar aan hagaagsanayn )


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010