عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Qadaayaadka islaamiga ah waxaa ka mid ah qadiyatu (al khidam)

19/01/2009

Haweenaydu waxaa ay ka helaysaa wax badan oo sacaada iyo rayn rayn ah sugayana jiritaankeeda hooyo guri ahaan, hawlaha ay ka qabanayso guriga, hadii guriga la iskula noolyahay mawada iyo kal gacaylna waxaa ka dhalanaya in ruux walba si dhamaystiran u guto waajibaadkiisa, wiliba waxaa dhacaysa in uu ruuxba ruuxa kale waajibaadkiisa ku saacidaa.

Wxaa laga yaabaa in reerku mararka qaar duruuf ku kalifto in uu raadsadaa cid ka saacida adeegyada reerku u baahanyahay, ee guruga iyo waxyaabaha la xiriira, sida karinta raashinka, nadiifinta guriga iyo dharka, iyo howla kale oo hooyada guriga ama aabaha iyo ilmuhu u baahanyihiin.

Hadaba hadii ay dhacdo in reerku u baahdo khaadim maxaa looga baahan yahay reerka?

Mar hadaynu nahay umad muslimiin ah, islaamkeenuna yahay mid wax uu dhaafay aanay jirin, oo wax kasta ku cad yihiin, wax walbana axkaam iyo aadaab ay islaamka dhaxdiisa ku leeyihiin, khaadimkuna waxaa uu ku soo arooray qawlka Allaah:

{أو التابعين غير أولي الأربة من الرجال}آية3 من سورة النور

Hadaba marhadii khaadim laga maarmi waayo waxaa loo baahan yahay in khaadimkaas laga eegaa haween iyo ragba waxuu doono ha noqdeen sifaadka soo socda:

•  In uu yahay khaadimkaasi mid aamin ah kuna dhawrsan akhlaaqda islaamka

•  Hawenayda nuujinayso ama tarbiyadaynayso lama ogola hooyada qof aan ahayn hadaysan jirin xaaladaha soo socda:

•  Cudurada gudba in ay hooyadu qabtaa

•  Iyo in ay dhimatay

Hadii arimahaasi jiraana waxaa laga eegayaa tan nuujinaysa ama tarbiyadaynaysa arimaha soo socdo:

•  In ay murabiyadu tahay qof rumaysan Allaah iyo raasuulkiisa muxamad (NNKH)

•  Kitaabka iyo sunada waa in ay ku dhaqan taa.

•  Siirad iyo dhaqan wanaag sana lagu yaqaan.

•  Caqli fayow iyo aqon arimaha caruurta ah na lagu yaqan.

Waa lagama maarmaan in wax yaabahaas laga eegaa ruuxa loo dooranayo in uu tarbiyadeeyo jiilka soo socda xili kasta, jiilkaas oo la doonayo in ay hagaajiyaan waxii ay khaldeen dadkii ka horeyay, waayoo aduunkaani sida loogu kala dambeeyo waa uun laba midood:

•  In lahelo dad ka wanaagsan kuwii ka horeeyay oo umaduna markaa horuumar gaartaa.

•  Iyo in ay yimaadaan kuwa lamid ah ama ka liita kuwii ka horeeyay ayna sababaan dib udhac iyo bur bur.

Wanaagna waxaa la gaari karaa marki la helo jiil hagaagsan tarbiya wanaagsan helay, tan caamka ahna hormariya, talada Allana tiigsada, tawbadana laazima.

Allaah waxaan ka rajaynaynaa in uu umada muslimiinta ah ku guuleeyo in ay soo saartaa jiilka nuucaas ah, ilaahayna kuma adka arinkaasi.

Lasoco qaybta 2aad ee qadiyatul khidam


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012