عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Qaacidada 2aad

22/11/2008

Waxaa ka mid ah qawaacida dacwada ee aan ku soo sheegnay 11 qaacido qaacidada

“lagamamaarmaan ahaanshaha ilaalinta ruuxa loo yeerayo mustawihiisa aqooneed” .

Ruuxa daaciga ah waxaa laga doonayaa in uu dadka kula hadlo uguna yeero waxyaabaha ay fahmikaraan, iyadoo lagu dayanayo Nabiga (NNKH) lana qaadanayo towjiihaadkiisa iyo talooyinkiisa xagga dacwada Allaah, maadaama uu yahay Macalinka ducaada.

Waxaa uu leeyahay Nabiga suuban(scw)

خاطب الناس على قدر عقولهم. صدق رسول الله صلى الله عليه وسلم

Kula hadla dadka in la eg caqligooda ayna fahmi karaan.

Waa in daacigu ruuxa uu u yeerayo u sheegaa wax mustawihiisa la eg oo uu si sahal ah u fahmi karaa si khidaabka daacigu u gaaro dadka uu u yeerayo isagoo sax ah una faaiidaynaya saamaynayan, ileen wax uusan fahmayn hadii loo sheegaa saamayn karimaayo`e.

Si aan u fahamno qiimaha ay leedahay in ruuxu wax uu fahmayo wax loogu sheego, waxaa masar ka dhacday ruux daaci ah ayaa dacwa ugu yeerayay koox lagu sheegay in ay aad u ad adkaayeen markaasuu waxaa uu uga sheekeeyay Nabi Muxamad (csw) geesinimadii iyo dadaalkiisii xaga dacwada Allaah, markaas ayuu mid kamid ah ragii dhagaysanayay waxaa uu ku dhawaaqay si laa shu cuuri ah sowd aad u sareeyay

اللهم صل على أجدع النّبي

Oo ka dhigan Allaw u naxariiso nabi kii ugu geesinimada badnaa.

Caadifad ayuu isla celin waayay kadib marki ay risaladii u gaartay sidii ugu haboonayd, sababtuna waxay ahayd sida uu u fahmayay waxa loo sheegayo iyo sida wanaagsan ee uu u soo bandhigay ruuxaasi daaciga ah dacwadiisa.

Hadaba ruux kastaa ee dacwada Allaah u istaagaa waa in uu dhawraa ilaaliyaana mustawaha aqoonta iyo macrifada dadka uu u yeerayo, marki risaaladu sidaa ay u gaartan uu bilaabaa in uu wax ku dul dhiso fahamkaas iyo dhadhankaas uu dhadhan sanayo waxa aad u sheegayso ruuxa aad u yeerayso.

Waxaana ay ka dhigan yihiin fahmaka uu fahmay dacwadada iyo farxada uu ku farxay usluubkaaga in uu ku siiyay fura yaashii qalbigiisa, waana fursad aan lawada gaari Karin ee ruuxii gaaraa waa in uusan fursadaa iyada ah dayacin

Lasoco qormada soo socota


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010