عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Qaacida3aad: laga ma maarmaan ahaan shaha in la baaro caqabaad & hor istaag wixi ku ah ruuxa loo yeerayo.

26/11/2008

Dadka dhamaantii waxaa ay leeyihiin wax mashquuliya ama murgiya hadii aanay ilaalin dadka ducaada ah arinkaana wax u suura galaya ma jirayaan maxaa yeelay ruux mashaakilaad farabadani ku furan yihiin ayaa laga yaabaa in aad u yeerto islamarkaana uu meel kale jiro oo aanuu u hayn u yeeritaankaaga niyad.

Hadaba dadka ducaada ah waxaa waajib ku ah in ay aad uga fiirsadaan xaaladaha dadka ay u yeerayaan wiliba waajibka ugu horeeya ee ay ka eegayaan ruuxa ay u yeerayaan waa in ay ka dhigtaan hubinta ruuxa looyeerayo duruuftiisa, akhlaaqdiisa, iyo noloshiisa guud guud ahaan.

أدع إلى سبيل ربك بالحكمة والموعظة الحسنة. صدق الله العظيم.آية125 من سورة النحل

Ugu yeer jidka Allah si xikmad iyo wacdi fiican.

Waana in ruuxa daaciga ah ruuxa uu u yeerayo si mad madaw aanuu ku jirin u garanayaa duruuftiisa iyo ax waashiisa, hadii daacigu ogaado in ruuxa uu u yeerayay si wax ka yihiina waa in uu saacidaa waxna kala qabtaa duruufta uu ku jiro, taa ayaana waxay sabab u noqon kartaa in uu ka helo daacigu irid uu ka galo qalbiga ruuxa uu u yeerayo iyo in uu raad ku yeesho hadalka daacigu ruuxaasi uu u sheegayo.

Halkaa waxaan ku dhaafaynaa qaacidooyinkii ruuxa loogu yeerayay dacwada Allaah, waxayna ahayeen 3qaacido.

qormada soo socota waan uga hadli doonaa qawaacida ruuxa daaciga ah haduu Allaha awooda weyn lihi inoo ogolaado.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010