“Xarakada Islaax ma Jirto Xisbi ay wax ku darsatay”
12/6/2010
Waxaa sharaf wayn inoo ah inaan halkan akhristayaasha ugu soo bandhigno waraysi dhinacyo badan taabanaya oo lalayeeshay Dr/ C/raxman Macallim C/laahi (Baadiyow).
Waxaa wareystay: Mohamed Ali Hussein
S1:-Doctor C/raxman Badiyow sida aad la socoto xaalka Somaaliya wuxuu marayaa meel ba'an. Haddaba, waa maxay dowrka Xarakada Islaax ee marxaladaan?
J1:- بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله رب العالمين ثم الصلاة والسلام على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه وسلم
Dowrka Xarakada Islaax isma bedellin oo waa joogto, wuxuuna ku dhisanyahay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa mujtamac Somaaliyeed oo nabad ah, dawlad leh, ku dhaqma Islaamka, sharftiisa iyo karaamadiisana soo ceshada. Xarakada waxaa laga rabo waa hawl, dhanka Ilaahey ayeyna jirtaa in lagu guuleysto in in kale. Sida kale , Xarakadu waxey ku socotaa barnaamijkeeda iyo straateejiyadeeda, kumana jirto inta aan barnaamij lahayn ama laga weecin karo barnaamijkeeda. Qaska Somaaliya ka socda daraf kama aha, waxayna horseed u tahay sama ka shaqeynta iyo horumarinta.
S2:- Waxaad ku soo caan baxday dib-u-heshiisiin, welinna dagaaladii ma joogsan ee sidee hadda wax u qabataan?
J2:- Sida Illaahay ku sheegay Qur'aanka, dib usheeshiisiintu waxey u baahantahay labo dhica oo heshiis raba oo kaalmo u baahan “in yuridaa Islaaxan, Yuwa fiqi laahu beyna humaa”. Lakiin sida aad ogtahay ma muuqato ififaallo lagu heshiinayo hadda. Sidaas ayaa dawrkii dib-u-heshiisiinta heerka qaran hakad ka galay koonfurta Somaaliya, laakiin meelaha kale, dib-uheshiisiinta waa socota, waxaana sal u ah in dadka la heshiisiiyo “Al-Sulx” oo ka mid tahay waxyaabaha Ilaahey lagu caabudo.
S3:- Sida aan la soconno, waxaad ka qeybgashay shirar badan oo dhallinyarada Somaaliyeed ku xusayeen sanadguuradii 15 May oo ah maalintii dhallinyarada, maxaad kula dardaarantay dhalliyarada Somaaliyeed?
J3:- Dhallinyarada Somaaliyeed waxey u baahanyihiin baraarujinta odyaasha iyo aqoonyahanada. Dhawr shir oo aan ka qeybgalay oo lagu xusayay SYL waxaan dhallinyarada kula dardaarmay iney ka leexdaan waxyaabihii hore loogu fashilmay sidda siyaasad qabyaaladeysan, xukun boobka iyo dagaaladda; iney ka dhigtaan hal-ku-dheg “waa la wada leeyahay Dalka, Diinta, iyo Dawladnimada (DDD)”; iney diidaan dagaaladda, horseedaanna nabadda; iney sameystaan ururro siyaasadeed oo ku dhisan himilladii SYL ee dawladnimada oo horseeda dhaqangelinta Shareecada; iney wax bartaan, dhawraanna akhlaaqda Islaaamka. Ugu dambeyntii, waxan kula dardaarmay iney qawaaniinta lagu heshiiyay oo aan islaamka khilaafsnayn dhawraan.
S4:-Waxaa ku soo baxay websit-ka la yiraahdo SomaliMemo.net warar sheegaya in Islaax la midawday Xisbi la yiraahdo “Xisbiga Somaalida Cusub” oo lagu sheegay inuu yahay kirishtaan , arinkaas maxaad ka dhihi laheed?
J4:-Waa war la yaab leh oo aan astaahilin in waqti lagu lumiyo, laakiin haddii aad I weydiiday waxaan kuu sheegayaa sida wax u dheceen. Ugu horayntii, aniga waxaa icasumay dhallinyaradii aan isku barannay xuskii sanadguuradii SYL ee Nairobi, waxayna iga codsadeen inaan dhallinyaro iskugu imaanaysay shir uu qabanayey Xisbiga Somaalida Cudsub la hadlo. Anigu shaqsi ahaan ma garanayn Xisbigaa iyo madaxdiisa. Halkaas waxaan uga jeediyay dhallinyaradii khudbad baraarujin ah. Waxaa kale oo aan soo dhaweeyay in dhallinyaradu samaystaan xisbiyo si looga gubdo siyaasadda ku dhisan qabiil-qabiilka. Wax intaas ka badan ma jirin. Dicaayadda raqiista ah oo kuwa aan runta rabin ka faafinayaan Islaax waa waxba kama jiraan, Xarakada Islaaxna wax shaqo ah kuma laha.
S5:- Ugu dambeyntii, sidee u aragtaa mustaqbalka siyaasdeed ee Somaaliya?
J5:- Horta mustaqbalka Ilaahey kaliya ayaa ogg, anaguna waxaan sheegno waa mala awaal iyo saadaal, run noqon karta, khaladna noqn karta. Haddii la fiiriyo sida hadda xaalku yahay, illaa isbedel ku yimaado garaadka dawladnimo ee Somaalida iyo sida caalamku ula dhaqmo xaalladda Somaaliya, waxaan isleeyahay wax wayn isma bedelayaan. Isbedel kasta waxaa sal u ah sida aan ugaranno maslaxadeena, diinteenna iyo dawladnimadeenna.
Aad ayaad u mahadsantahay