عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Xoriyadda Soomaaliya oo nus qarni jirsatay

Somalia waxay sannadkan jirsaneysaa nus qarni ama konton jir, waxay xor tahay ama dawlad jirta tahay konton sano. Waxay ka mid ahayd dawladihii ugu soo horeeyey qaaradda Afrika ee xorriyadda qaatay sannadkii 1960kii. Waxay ka mid ahayd dawladihii Afrika ee asaasay ururka midawga Afrika. Somalia waxay ka mid ahayd dawladihii Afrika ugu caansanaa ee u halgamay iney inta kale iyaguna xoroobaan. Waxay Somalia ka mid ahayd dawladihii Afrika ugu awoodda badnaa ee dhistay ciidan laga haybeysto.

Somalia waxay ugu horeysaa ummadaha Afrika ee leh calaamadaha midnimada ummadnimo, oo wax leh ay yar yhiin, waxaana ka mid ah:

•  Waa ummad isku asal ah oo aan midab iyo muuqaal aan lagu kala sooci karin.

•  Waa ummad isku af ah, isku diin ah iyo weliba isku dhaqan ah.

•  Xagga diinta, waa ummad wada sunniyiin ah, weliba wada Shaaficiyiin ah.

Sifooyinkaas ummadaha mideeya oo Somalida ku dhan, Afrikada saxaraha ka hoosaysa wax leh way ku yar yihiin. Haddaan dalka Kenya oo Somalia daris la ah, tusaale u soo qaadanno, waxaa dalkaas ku nool in ka badan 40 qabiil oo aan waxay ka mideysan yihiin ayan jirin. Waxaa lagu kala garan karaa muqaalkooda, oo ninka Masayga ah waad ka garaneysaa kan Kiikuuyada ah. Affartaankaas qabiil waxay ku kala duwan yihiin Afka, diinta iyo dhaqanka.

Maxaase ka dambeeyey?

Dagaal sokeeye, Duqayn magaalo, gumaad, burbur, qaxooti, gaajo, bililiqo, barakac iyo belo iyo baas.

Dawlad la'aan, dagaal sokeeye, dagaal-ooge, mooryaan, jirri, dayday, jabhad…

USC, SSDF, SNM. SNF, SPM, SDM SSA, SNA...SSSS…

Qabiil, Qori, Qaad, daroogo, khad cagaaran, dakhli raadin, dhir jarid, dhuxul dhoofin…

Hogaamiye, Guddoomiye, La-guddoomiye, Madaxweyne, Ku-meel-gaar, 4.5

Taladii Kabunga ee “hoos ka soo dhis” (building blocks), shan gobol federal ah u qaybe,

Shirkii Dib-u-heshiisiinta ee Jabuuti 1, Jabuuti 2, Qaahira, Addis Ababa, Soodare, Carta, Kenya, Eldoret, Mbagathi.

Xarumaha quudinta, Gargaar bini'aadnimo, Mucaawino, Bisha Cas, WFP, Keer.

Xerada qaxootiga Utaanga, Kakuma, Ifo, Xagar Dgeer....

Maxkamad islaami ah iyo magac qabiil, Urur islaam, Dib-u-xoreyn, dawlad islaam, wilaayad Islaam, Riddo, fulin xad islaam, jihaad, isku-jihaad.

Barakac, Ceelasha Biyaha, Lafoole, Kaxda. Garasbaaley .

Yaa tahay?

Somali British, Somali Swedish, Somali Danish, Somali Finish, Somali Australian, Somali Canadian, Somali American, Somali...Somali... Somali...

Maxaad sidataa?

Passport Etoobiyaan ah, mid Kenya ah, mid Tanzaani ah, mid Sudaani ah....

Maxaa Somali kala firdhyey?

Bal Adba?

Waxaa isweydiin mudan:

Maxaa heerkaaas xun geeyey ummaddii muslimka ahayd, dawladda lahayd, culimada lahayd, aqoonyahanka lahayd, iyo weliba Boqor, Imaam, Ugaas, Suldaan, Beeldaaje, wabarka lahayd?

Maxaa keenay qaran burburkaas?

Maxaa ummaddi is-jeclayd isku diray?

Maxaa la isku hayaa?

Maxaa gurmad loo waayey?

Maxay la fashileen 15kii ama 16kii shir Dibuheshiisiin ee la qabtay?

Waa la fahmi waayey, aduunyadu wey nagu wareertay.

Dagaal sokeeye wuu dhacaa, meelo badan buuna ka dhacay: Lubnaan, Laybeeriya, Ruwanda, Ugandha, Siiraalyoon, Itoobiya, Yuguslaafiya iyo meel kaloo badan.

Laakiin meelahaas dagaallada sokeeye ka dheceen qarankii kama burburin, dawlad la'aani kuma dhicin, hay'adihii dawladnimo lama bililiqaysan, dhaqsana wey uga soo kabteen dagaalkii. Amnigii iyo kala dambayntii wey u soo noqdeen, dadkii qaxay deegaankoodii wey ku soo noqdeen.

 

Dabcan, su'aalahaas iyo kuwa kale oo badan waxaa laga qoray kutubo badan, waxaa lagaga dooday aqoon-isweydaarsiyo badan, waxaa laga qabtay dood-cilmiyeedyo badan, waxaa jaamacadaha adduunka lagaga qaatay shahaadooyin Master iyo PHD yo.

Laakiin weli lama helin jawaab shaafisa dhibkii dhacay, xalkana iftiimisa.

Qabiilka iyo qabyaaladdaa la eedeeyey. Aqoonyahankii qabiilkiisii kiciyey isagoo aar doon ah ayaa la tuhmay. Wadaadkii qabiilkiisa u xalaaleeyey in dagaalka ay reer Qansax kula jiraan uu yahay jihad ayaa farta lagu fiiqay. Laakiin waxaa loo jeedaa dawlado naga qabiillo badan oo wada nool.

Waxaa eeddii oo dhan dusha laga saaray dawladdii kacaanka iyo diktaatooriyaddii xukunka, caddaalad darradii lagu dhaqmay; mabda'ii shuuciyadda, diin la dirirkii socday, akhlaaqdii lagu tuntay, aqoonyahankii dalka ka qaxay. Laakiin haddana waxaa la hubaa iney jireen dawlado naga dulmi badan oon dumin.

Waxaa la eedeeyey wadaniyad yarida dadka somaliyeed; hogaansanaan la'aantooda; dhaqan dawladnimo la'aanta; mabda'a qawda maqashii waxna ha u qaban tooda;

Waxaa la eedeeyey wax walba, qof walba, taariikh walba..

Waxaa ii soo baxday, oo labaatankii sano ee burburka Somalia i bartay:

•  Aqoonyahanka iyo hogaamiyayaashu waa madaxdii ummadda. Waxaa la yiri “dadku waxay diinta ka raacaan madaxdooda”. Jirku hadduu madaxa ka dhinto wuxuu ku noolaadaa KOOMA dheer. Sidoo kale, ummaddii uu hogaanku ka xumaado ama ay hogaamiyaan dadkeedii ugu liitay, aqoonyahankiina kaalintiisii gabo. Ummaddaasi waxay ku noolaataa silic iyo saxariir.

•  Ummadaha waxaa hogaamiya madax aqoon, amaano iyo awoodba u leh xilka, madax dalkooda jecel, dadkooda u turaaya, danta guud jecel, war ha kaa haro jecel, ha lagu toosiyo jecel iyo weliba og in aakhiro ka dambayso. Haddii kuwaa la waayo sow arintu noqonmayso ”Col ku dhacyoo tuugo kuu ciidamisay”.

•  Ummaddi ay kala lumaan caqligeeda iyo qalbigeedu iyana socodkaa ka xumaada. Waxaan ka wadaa, ummadda haddii ay is khilaafaan iimaankeeda iyo dhaqankeeda, caqiidadeeda iyo xukunkeedu, ma hesho jidka saxda ah, jarta ka hortimaaday ka duushaa.

•  Dawladuhu waxay dadkooda ku tarbiyeeyaan wadan jacaylka, akhlaaqda wanaagsan, wada noolaanshaha IWM. Warbaahinta, sida idaacadaha iyo telefishinadu waxaa loo adeegsadaa TAWJIIHINTA ummadda xagga wanaagga. Culimadu waxay ummadda la hadlaan maalin kasta oo jimce ah, waxayna tusaaleeyaan halka ay ku jirto guushooda aduun iyo aakhiro. Waxay kaloo madaxda ka ilaaliyaan iney xaqqa ka iishaan. Fanka iyo suugaantu waxay ummadda u tilmaamaan tiirarka xoogeedu ku dhisan yahay iyo meelaha ay ka liidato. Haddaba, haddii kaalintaasi ay lunto ama ay qaloocato waxaa bilawda hoobadkii ummaddaas.

•  Ummaddii daryeeli weyda maatideeda iyo danyarteeda, iimaankeedu ma sugana, naxariis eebbana ma hesho, markaasay kala daadataa. Waxaa na soo martay oo welina aad magaalooyinka ku arkaysaa rag iyo dumar waalan oo qaawan oo dariiqyada daadsan, cid daryeeleysana ama danaynaysaa aysan jirin. Waxaa ka sii daran, caruur dibjirtay oo darbiyada jiifta. Waxaad arkaysaa qoysas hoy xaashiyo ah deggen oo xalay qaday, dariskooda daaraha dhaadheer degenina aysan ka war haynin. Markii dawladdii iyo hay'adaheedii ay naga burbureen, hubkii ciidamaduna shicibka gacanta u galay, waxaa soo baxay maleeshiyooyin waalan oo ummaddii halaagay. Waxaa laga yaabaa iney ka soo jeedaan mujrimiintii xabsiyada ka soo baxsaday iyo caruurtii darbijiifka ahayd ee bulshadu daryeeli weyday.

Gabagabadii hadalka, haddii Ilaahay dawlad dambe noo taago, waxaa lagama maarmaan noqondoonta inaan dib u wada saxano qodobbadaas aan soo sheegay iyo kuwa kaloo badan oo hora loo qoray.

Waxaa laga yabaa iney adkaato in dawlad tayo leh dib loo yagleelo iyadoon la sixin qodobadaas aan kor ku soo sheegay, laakiin, waxaan haynaa xalka Somalia, haddii la helo wada tashi, waxaanaan ku soo bandhigaynaa maqaalada soo socda.

Dr. Ali Basha Omar

Contact address:

dr_alibashi@hotmail.com

20 March 2010

 


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012