Noocyada Samirka
3/6/2008
Culimadu waxaa ay u qaybiyaan Samirka Qaybo kala duwan lakin u gali mayno Qaybahaa iyaga ah ee waxaanu ka hadlaynaa Noocyada samirka uu qofku ku samro.
Noocyadaasi waxaa ay ku sheegeen Culimadu Sidan soo socota:
- Samirka xagga jidhka (Badani)
- Iyo samirka xagga nafta (Nafsi)
Mid waliba ee ka mid ah labadaani waxaa uu siinoqonayaa laba qaybood oo kala ah:
- samir xaga badaniga ah oo lama huraan ah lagu qasbanyahay sida in uu ku samraa qofku xanuunada kaga imaanaya cudurada, Garaacida, iyo wm
- iyo mid ikhtiyaari ah ama ogolaanshaha qofka ku xiran sida in uu ku samara qofku shaqooyinka dhibka leh culaysyada laqaado iyo hawlaha dhibka leh oo dhan.
smirka xaga nafta ahna waxaa uu noqonayaa isna sidaa ookale
- mid qofku ku qasban yahay oo lama huraan ah sida in aad wayso Ruux aad jaclayd in uu dhinto ama uu fogaado oo aad samirtaa ileen karimaysid in aan soo celisaa`e.
- iyo samir xagga nafta ah laakin ikhtiyaari ah sida in aad kasamirtaa wax walba ee naftu doonayso lakin sharciga iyo caqliga aan ku wanaagsanayn markaasna aad ka samirtaa adigoo u hogaansamaya damiirkaaga iimaaniga ah.
hadaba noocyadaasi aanu soo sheegnay ee samirku uu leeyahay maxay sal ku leeyihiin kitaabka Allaah iyo sunada Nabi Moxamed (NNKH).
Waxaa wax la hubo ah oo aan shaki kujirin in kitaabka Alle uusan waxba dhaafin oo wax walba oo la is waydiiyaa jawaab looga helayo.
Waxa noocyadaasi samirka laga qaadanayana waxaa ugu muhiimsan in qofka muslimka ah uu gartaa samirku nuuckastaa ee uu kuyimaadaba in uu faa iida leeyahay iyo karaamayn Alla agtiisa u taalaa qofka nuucyada kala gedisan ee samirka midkood layimaadaa
Hadaba markaan u soo laabano Adilada waxaanu helaynaa aayaad iyo axaadiis farbadan oo ka hadlaya, waxaana Nooga filan maanta aayadaan soo kulminaysa dhibaatooyinka ay tahay in lagu samro xagga nafta iyo jidhka iyo maalkaba si loo gaa dhaa Guul iyo Bishaaro Allah agtiisa.
Waxaana ay leedahay aayadaasi:
ولنبلونكم بشيء من الخوف والجوع ونقص من الأموال والأنفس والثمرات وبشر الصابرين. بقرة 155
Waxaan idinku imtixaanaynaa wax cabsi ah iyo Gaajo iyo Nusqaamin Xoolaha iyo Nafta iyo Midhaha ee u Bishaaree kuwa samra.
Sidookale waaxaa jira xadiis uu lee yahay Nbabigu (NNKH) oo ah
من أصيب بمصيبة في ماله أو جسده وكتمها ولم يشكها إلى الناس كان حقا على الله أن يغفر له. رواه الطبراني
Qofkii musiiba (dhibaato) ay ku dhacdo xagga maalka ah ma xagga jidhka ah ee qariyaa oo dadka aan u sheegin waxaa Allaah uu isku waa jibiyay in uu qofkaa dunuubtiisa u dhaafaa.
Lasoco Qaybta3