NINBA DHAN U BADI
Dr. Maxamed Xasan Nuur
27/12/2009
Laba nin ayaa orotamay, midkood ayaa markii uu arkay in laga kab go'ay gadaal iyo dhankii laga yimid u orday, markii loo yimid gudigii garsoorka ayna u sheegeen cidda badisay ayuu ninkii laga badiyay ee dhanka khaldan u orday ku yiri guddigii “ ninba dhan u badi ” haddii uu saaxiibkay horay u orday una badiyay anna gadaal ayaan u orday una badiyay !!!
Dunidan waa goob shaqo oo weyn, qof kastana ka heli karo hawl la siman, dadka ku noolna waxaa ka dhaxeeya tartan aan isu turis lahayn, dhammaad iyo joogsadna aan laheyn, kaliya tartankaasi wuxuu dhammaani ama joogsani marka dunidu dhammaato.
Dadka dunida ku nool ee aadkana u kala duwan, waxaa ka dhaxeeya tartan aad u adag oo inta badan aan is dhamaystirayn isna kaalmaynayn, balse is riixaya, is jillaafaynaya, is hor istaagaya, iska saaraya, isuna diidaya, taasina waxay ku dhacaysaa anaaninimada (naf jeclaysiga) ina aadan.
Duni noocaasa oo is gacan qabashadii la muquuniyay, naxariis daraduna soo caariday, waxay mudan tahay in loo diyaar garoobo oo aan laga soko dhicin heerka ay u baahan tahay, haddii kale dacdarabu way ku dili, is ciil kaambiguna wuu kula dagi.
Bal eeg soomaalideenan yaabka badan ee gadaal gadaal u ordaysa dib u socodnimadana ku caan baxday, si dagan bal ugu fiirso (haddiiba ay dhici karto inaad daganaato) dunida halka ay ka gaartay horumarka nooc walba leh & halka aynu ka gaaray dib u dhaca, sida loogu dadaalayo in laysu kaashado & sida aan ugu dadaalayno inaan kala daadsanaano, halka laga gaaray hodantinimada & sidaan u fara madhannahay, sida cilmigu u adeegay & sdia jahligu inoogu caar caaraystay…
Si dagan hadii aan isu waydiinno kaalinta aan ka gallay tartankii aan kula jiray dadyowga adduunka, waxay ila tahay si kasta oon wax walba ugu kala aragti duwannahay in aan arintaan 100% isku raacaynno, hal codna ku dhahayno inaan gallay (EBER MEEL KA HOOSAYSA). Tartan waa la kala badin karaa, kaalin hoosana way dhacdaa in laga galo, balse arinta murugada leh waxay tahay in halkii aan horay u ordi la hayn sida tartamayaasha kale aan gadaal gadaal u orodno, taas oo sii badini dhibcaha lay nagaga badiyay inaguna adkayni inaan jabinno rikoorka la dhigo, haddiiba ay dhacdo mustaqbalka mar uun inaan horay u orodno.
Walaalkayga soomaaliyeedow aan is daba qabanno inta ay goori goor tahay, qof walbana mas'uuliyadiisa ha qaato, halla ogow anigu adiga ma'ihi adna aniga ma tihid ee aan is aqballo, maxaa yeelay anigu adigaan wax kugu ahay, adiguna anigaad wax igu tahay, labadeenna oo wada jira ayaana wax isku ah, sidaan ahay igu aqbal, aniguna sidaad tahay aan kugu aqbalo, labadeenuba sidaan nahay aan isku aqballo deedna aan isa saxno haddii ay wax inaga khaldan yihiin waybana inaga khaldan yihiine, maxaa yeelay ciddii doonta walaalo wada muudh-muudhi ah waxay u baxdaa walaal la'aan.