DHUL NABAD AH AYAA DHIILO KAWANAAGSAN
20/12/2006
Nabaddu waa shay qaali ah oo qiimo wayn ugu fadhida
nolosha Aadanaha.
Nabaddu waa eray dhihidda ku fudud dhawaaqana u macaan erayga
nabadda waa shan xaraf, xaraf kastaa waxaa uu xambaarsanyahay
macno mug wayn.
Dadka xuruufta u waqlala: waxey shanta xaraf ee nabadda ku macneeyeen
sida soo socota:
N: macnaheedu waa nolol .
A: macnaheedu waa amni.
B: macnaheedu waa barwaaqo.
A: macnaheedu waa amuur.
D: macnaheedu waa doog.
Sidaas awgeed nabaddu waa shay anfacaya noolaha iyo manoolaha.
Dhiillo ma wanaagsana waxay dhashaa tacadi iyo xad gudub waxaana
ciidan u ah col.
Col waa eray dhihidda ku xun dhawaaqana u daran
Col waa sedax eray oo macno qaraar ku fadhiya .
C: macnaheedu waa caro.
O: macnaheedu waa olol.
L: macnaheedu waa lur.
Sidaa awgeed dal iyo dad waxaa u wanaagsan nabad oo lagu gaarikaraa
horumar barwaaqo iyo amni.
DHUL NABAD AH BAA DHIILO KA WANAAGSAN. MAXAA WACAY?
Dhiillo dhul ma dhisto, barwaaqo iyo horumarna laguma helo, Soomaaliduna
waxey ku maahmaahdaa rag gogoshii waa nabad , nabad baa caana
leh, nabad baa naas la nuugaleh.
Nabaddu waa nolosha fureheeda , nabaddu waa nasiib iyo raaxo uusan
aadmigu ka maarmin , nabaddu waa horumarka bulshada , nabadu waa
neecaaw qabow iyo saxansaxo macaan , nabaddu waa baraaraha umadda
, nabaddu waa aqoon iyo cilmi uu Ilaahey kumanaystay adoomadiisa.
Hadaba dalka Soomaliya waxaa uu soo maray(16 sano) lix iyo toban
sano oo nabad la`aan ah, waxa uu soo dhedhemiyay nabad la`aan
waxay tahay, nabadu waxay ku timaadaa samir iyo kala dambeyn,
dhibkana waxaa looga bixikaraa in Allaah subxaanahu watacaalaa
loo noqdo loona towbad keeno , horay ayaana loo yiri Rafaadka
raaxaa ka dambaysa. Allaaah waxaan waydiisanaynaa nabad waarta
iyo dulmi la`aan iyo dadka oo fahma nabaddu macaanka ay leedahay
Wabilaahi towfiiq