عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Mashaakilka ummada iyo xalku meeshuu jiro

27/12/2008

ugu horayn shukriga Allaah kadib umaduhu wey soomaraan mashaakil iyo barwaaqo, yaraan iyo badnaan, dagaal iyo nabad, laakiin umadda wacyiga leh, ee hanuunsan, Allaahna uu la doonay badbaado, sikasta oo ay dhibaata u gaartaa, ugu dambayn way kasoo kabsan dhibaatadaa, lakin waa shardi in ay ku soo laabataa wacyigeedii saxda ahaa, oo ay hanuunkeedii dib u hantaan.

Mashaakilaadkaa iyo dhibaatooyinkuna may dhicin asbaa la`aan ee waxaa jira asbaab kala gedisan oo kaliftay in umadu dhibaatooyinkaa soomaraan Allana waxaa uu leeyahay:

إن الله لا يغير ما يقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم.الرعد11

Ilaahay kama noqsado nicmo uu u nicmeeyay umad in ay iyagu badelaan wixii uu amray, oo ay caasiyaan Alle mooyee.

Sidookale Allaah waxaa uu leeyahay:

ذلك بأن الله لم يك مغيرا نعمة أنعمها على قوم حتى يغيروا ما بأنفسهم.أنفال53

Abaal marinta xuni waxaa ay ka dhalatay ilahay markuu u nicmeeyo qolo kama noqsado ilaa ay xaaladooda wanaagsan ee xaqa ah ugu badalaan xaalad xun iyo fasaad.

Waxaa halkaa ka muuqanaysa cadaalada Allaah, waayoo Allaah ma dulmiyo adoomadiisa

من عمل صالحا فلنفسه ومن أساء فعليها، وما ربك بظلام للعبيد.فصلت46

Ruuxii camal wanaagsan sameeya ee Allaah iyo rasuulkiisa raaca naftiisa ayaa abaalkaa iskaleh, ruuxii xumaan sameeya Allaahna caasi ku noqda abaalka xun ee ka yimaada naftiisa uunbaa iskaleh, Allaahna adoomadiisa kuma dulmiyo kanuqsaamin wanaag aykasbadeen ama ku ziyaadin xumaan aysan sameyn.

Hadaba waxaanu aragnaa umadu meelkastaa oo ay joogtaa waxaa ay ku jirtaa shadaaid iyo dhibaatooyin, Allaahna adoomadiisa madulmiyo, xagee nalaga helay?

Waxaa cid kastaa garan kartaa meesha nalaga helay in ay tahay ugu horayn manhajki Alaah oo aan ka leexanay, kitaabki Allaah oo aan gadaashayna ka tuuranay, umadii laga doonayay in ay gacmaha is qabsadaan, oo iskaalmaystaan oo kal fogaatay, isnacday, isdishay, isboobtay, waxaas oo dhami waa qayb kamid ah asbaabta keentay in umadaani dhibkaas faraha badan ku noolaadaan, Allana waxaa uu leeyahay:

واعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا وأذكروا نعمة الله عليكم إذ كنتم أعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانا وكنتم على شفا حفرة من النار فأنقذكم منها.آل عمران103

Xaraga Allaah wada qabsada hana ku kala tagina, xasuustana nicmooyionka Allaah dushiina u nicmeeyay, idinkoo cadaawad idin dhextaalay ayuu quluubtiina isu soo dumay, markaasaad nicmada Allaah walaalo ku noqoteen, idinkoo qarka usaaran naarna waa uu idinka badbaadiyay.

Dhanka kale waxaa iyana asbaabta ka mid ah bulshada qaybaheeda kala duwan oo qayb kastaahiba ilowday masuuliyadeedii, dayacdayna amaanadii qoorteeda saarnayd, waxaana ay kala yihiin qaybahaasi:

Hogaankii umada oo xumaaday nuuckastaa oo ay yihiin

•  kan siyaasadeed

•  Kan bulshadeed

•  Kan diimeed

Dhamaantood waxa ay noqdeen kuwa aan gudan mas`uuliyadoodii ku aadanayd ka shaqaynta maslaxada umadda,waxaa ayna dayaceen amaanadii dushooda sarnayd.

Sidookale waxaa ka mid ah asbaabta

•  Culimadii oo aamuseen

•  Muslixiintii oo la fogeeyay

•  Mukhlisiintii oo fogaadeen iyagu

•  Muthaqafiintii iyo mufakiriintii oo lamuxaasareeyay laguna hareereeyay umada oo laga shaki geliyo.

Nabiga Alle waxaa uu leeyahay NNKH:

إذا ضيعت الأمانة فأنتظر الساعة، قالوا وما إضاعتها يا رسول الله قال إذا أسند الأمر إلى غير أهله فأنتظر الساعة.

Hadaba bulshada qaybaheeda kala duwan waxaa la orankaraa waxaa ay dayaceen amaanadii, waxaa ay iska iloobeen mas`uuliyaadkii, cidwalbaa waxaa ay la ekaatay maslaxada gaarka ah oo wiliba aan ku dhisnayn sida Alla raali kayahay, ee waxaa lagu wada socdaa qarda jeex.

Hadaba waxaan Allaah ka rajaynaynaa in uu nagu aadiyo xaqa, umadeenana kasaaro dhibaatada ay ku dhex jirto, cidkastaana mas`uuliyadeeda tusiyo, iyo gudashada amaanada dusha ka saran.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010