عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Majaalaadka samirku uu leeyahay Q4

3/7/2008

Samirku waxaa uu leeyahay majaalaad dhawr ah waxaana ugu horeeyay

•  in uu ku samara ruuxa muslimka ahi dhibaatooyinka aduunyada waxaa dhicikarta in ay ikhtibaar tahaye, sideedana insaanka waxaaba Alle abuuray iyagoo dhib iyo rafaad aduunka kalakulmi oo dhibaato la`aan maba loogu talagalin.

Allana waxaa uu leeyahay

لقد خلقنا الإنسان في كبد.آية5 من سورة البلد

Eebe dadka wuu abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (aduunka kal kulmi)

•  waxaa kamid ah majaalaadka samirka kasamirka waxyaabaha naftu jeceshahay ee aduunyada hilaaceeda ah diintuna aysan saamaxayn oo uusan ku kadsoomin ruuxa muslimka ahi bidhaanka aduun, maalka iyo caruurta uusana uga mashquulin xuska Allaah iyo ka amar qaadashada Allaah, Allaana waxaa uu leeyahay:

ياءيها الذين آمنوا لا تلهكم أموالكم ولا أولادكم عن ذكر الله ومن يفعل ذلك فأولئك هم الخاسرون آية9 من سورة المنافقون

Kuwa xaqa rumeeyow yaanay idinka shuqlin xoolihiinu iyo caruurtiinu Eebe daacadiisa cidii saas samaysana waa mid khasaartay.

Waxyaabahaa iyaga ah ee naftu jeceshayahay waxaa layiraahdaa (al saraa) barwaaqada, dhibta lagusamrana barwaaqada lagu samara ayaa ka culaysbadan culimada qaarna waxaa ay yiraahdeen (Belada mu`minku wuu ku samrikaraa laakiin barwaaqada kuma samri karo ruux aan ahayn sidiiq) runbadane iimaankiisa ka run sheegay.

C.raxmaan Bin Cawfna waxaa uu yiri (waxaa nalagu imtixaanay dhibaato waan ku samirnay waxaa nalagu imtixaanay Barwaaqo waan kari waynay in aan ku samirno)

•  waxaa ka mid ah majaalaadka samirka in lagu samro daacada Eebe oo aan wax qaaliya iyo wax raqiisa toona lagu badalan, waana in ruux waliba ee muslim ahi ku xisaabtamaa in Allaah gacantiisa wax waliba ku jiraan oo aysan jirin wax laga waynayo Allaah ee cidkale loo raadinayo, Allana waxaa uu leeyahay

رب السموات والأرض وما بينهما فاعبده واصطبر لعبادته هل تعلم له سميا. آية65 من سورة مريم

Waa Allaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebe wax lamid ah, (oo lamagac ah)

Sidoo kale waxaa uu Eebe leeyahay isagoo inoo tilmaamaya in xitaa ehelkeena iyo caruurteena tarbiyadooda iyo edbintooduba dhib kujiro ubaahan ku samir iyo udulqaadasho, waxaana uu leeyahay Allaah

وأمر أهلك بالصلاة واصطبر عليها لا نسألك رزقا نحن نرزقك والعاقبة للتقوى. آية132 من سورة طـه

Far ehelkaaga Salaada kuna samir korkeeda ku warsanmayno rizqiye anagaa ku arzuqi ciribta fiicana waxaa iskaleh dhawrsadaha.

•  sidookale waxaa ka mid ah majaalaadka in lagusamraa mashaqooyinka dacwada Allaah waayoo waa howl tan ugu khayrka badan ugu ajarka badan tusaalena waxaa u noqon Anbiyadii Allaah soo diray mashaqooyinkii ay kala kulmi jireen bal akhri aayaadka soo socda:

قال رب إني دعوت قومي ليلا ونهارا فلم يجدهم دعائي غلا فرارا وإني كلما دعوتهم لتغفر لهم جعلوا أصابعهم في آذانهم وأستغشوا ثيابهم وأصروا واستكبروا استكبارا. من آية 6-آية9 من سورة نوح

Nabi nuux waxaa uu yiri Eebow waan u yeeray qawmkaygii Habeeb iyo dharaar, yeeridayduna uma siyaadin carar waxaan ahayn.

Markastoo aan u yeerana si aad ugu danbi dhaafto waxay farahooda ku xiraan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku madax adaygayaan xumaanta wayna is weynaynayaan.

•  sidookale waxaa kamid ah majaalaadka samirka in la samara marka dhibtu badato ee quusta loo dhawaado siiba dadka dacwada Allaah u taagan waayoo waxa ay taagan yihiin makaankii Anbiyadii Ilaahay Allaahna waxaaa uu leeyahay:

والصابرين في البأساء والضراء وحين البأس أولئك الذين صدقوا وأولئك هم المتقون. آية 177 من سورة البقرة

Samra (adkaysta) waqtiga saboolnimada, jirada, iyo dagaalka kuwaasina waa kuwa ku run sheegay iimaankooda waana kuwa dhawrsada.

Wabilaahi tacaalaa al towfiiq


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010