Qayb ka mid ah mabaadi`da tarbiyada caruurta
25/11/2008
Ruux walba ee u taagan in uu tarbiya hagaagsan tarbiyadeeyo caruur waxaa lagama maarmaan u ah in uu ka dhaqaajiyaa mabaadi` ku qotonta siyaasaad saliim ah ee tarbiyadeed, mabaadi`daas iyada ah ee ku saacidaysa murabiga in uu si sax ah u guto waajibkiisa tarbawiga ah waxaa ka mid ah:
Wada tashi joogta ah kana dhaxeeya aabaha iyo hooyada iyo in ay is ku ogaadaan qorsha midaysan oo ku wajahan ilmaha tarbiyadooda, waxaana laga doonayaa waalidku in ay mar walba ku dadaalaan adeegsiga usluubka ugu wanaagsan ee wax lagu tarbiyeeyo.
waana in ay mar walba la doodaan ilmohooda oo xiwaarka wax dhisaa labaro cunfi iyo qasab ama diriqna laga ilaaliyo.
Guriga in lagu camiro is jacayl iyo is tixgelin lagana ilaaliyo is kahasho iyo is dhibsi, ogowna is jacaylku waa nafaqada kobcisa caruurta naf ahaan iyo bulsha ahaanba.
Ogowna arinkaa maaha in uu kaareerbo in la canaanto caruurta markay wax khaldaan ee waa in lagu ciqaabaa wax yaaba uu ka heli jiray oo laga joojiyaa ilaa uu ka soolaabanayo, sida umuujintii kalgacaylka , in lala qoslo, in laabta la saro, in la dhunkado, in hadaayaadkii laga joojiyo.
Iayadoo loo sheegayo in ay waxaas oo dhan ku xiranyihiin oo kaliya in uu khaladki kazoo laabto.
Waliba xaa looga baahan yahay waalidku in ay tusaale ugu noqdaan caruurtooda is jacaylka iyo is qadarinta aabaha iyo hooyada dhexdooda ah, isjacayl ayaana isjacayl dhala, waalidka ku dadaala in ay dhaxal siiyaan ilmohooda maxaba iyo kal gacayl waxaa ku waajib ah in ay iyagu dhaqan geliyaan si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan ilmaha.
in ay ku heshiiyaan labada waalid in mas`uuliyada tooskaa ee tarbiyaynta ilmaha ay u xilsaarantahay hooyadu.
Sababtuna waa in hooyadu jismi ahaan iyo nafsi ahaanba awoodo sabar iyo in ay siiso ilmaheeda kal gacayl xad la`aan ah, iyo ahaan sha heeda ay tahay hooyadu qofka ka war haya marwalba lana jooga waqtiyada inta badan.
Sidaa darted waan in la siiyaa hooyada mas`uuliyada tooska ah ee tarbiyada caruurta, lakiin aabuhuna dowr aan sahlanayn ayuu ku leeyahay tarbiyada caruurtiisa lakiin waxaa ku waajib ah in uu urumeeyo in ay hooyadu tahay mas`uulka tooska ah.
Hadaba labada waalid waxaa laga doonayaa in ay siyaasadaas ku wada socdaan, hadii caruurta midkood isku dayo markii hooyada uu ka waayo wax uu ka dalbay in aabaha uu ula tago si uu uga helo ama uu hooyada ugala hadlo, waxaa aabaha laga doonayaa in uu ku yiraa hooyo arinkaa ma ogoshahay?, oo uu dareen siiyo in aabaha iyo hooyadu ka midaysan yihiin go`aanada.
Arinkaa oo dhan waa marxalada looyaqaan MURAAHAQADA kahor, laakiin markay gaaraan ilmuhu marxadan waxaa dhici karta in ay ka hoos baxaa awooda hooyada, markaas ayaana la doonayaa in la soo saaro awoodii qarsanayd fatradii hore waa tan aabaha`e si arinka uu go`aan adag uga gaaro.
Laso qormada soo socota oo aan uga hadli doono qaybta ka hartay mabaadi`da tarbiyada.