KAALINTA ISLAAMKA EE KOBCINTA CILMIGA
27/12/2007
Islaamku waxa uu siiyey kaalin aad u weyn una qiima badan cilmiga waxaana tusaale kaaga filan aayad kamid ah quraanka kariimka ah ayaa waxay tilmaameysaa inaysan sineyn midka wax yaqaana (waa cilmiga`e) iyo midka aan cilmiga lahayn (waa jahliga`e) taasoo daliil u ah sharafta dheeriga ah ee la siiyey qofka cilmiga leh iyo cilmiga laf ahaantiisa ba.
قل هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون. صدق الله العظيم .. آية 9 من سورة الزمر
Kaalinta islaamka ee kobcinta cilmiga waxaa la,orankaraa waa kaalin aad u qiimo badan marka laga hadlayo marxaladaha ay soo martay aqoontu waxaana cidweliba maanka ku haysaa ama ogtahayba in ilbaxnimo iyo horumarkasta oo aduunka lagaaro ama xitaa tiknoloojiyad walba oo soo baxda ay ka timidtahay waxyaabo quraanku horay u sheegay laakin wax walba maalinbey leeyihiin oo la gaaraa ama la kashfiyaa ayad quan ah baa waxay cabiray sa in uu Allaah abuuri doono wax aan cilmigu gaarin wax walba oo cilmi lagaarana kama baxayaan macnaha ay xambaarsantahay aayadaani Allana waxaa uu leeyahay:
والخيل والبغال والحمير لتركبوها وزينة ويخلق ما لا تعلمون. صدق الله العظيم آية 8 من سورة النحل
Sidoo kale waxaan cidna ka qarsoonayn ihtimaamka uu islaamku siiyay aqoonta in Culuumta inteeda badan looga danbeeyo Ikhtiraaceeda C ulimadii islaamka waxaana tusaale kaaga filan
In wareega dhiiga habka lagu ogaaday uu soo Ikhtiraacay ama soo hindisay Caalim Islaam ah oo la yiraahdo (Ibnu Nafiis)
Sidookale waxaa soo hin disay qaabka looga dhaliyo catarka fiida ama fiyooraha Geedaha Caalim Islaami ah oo la yiraahdo (Ibnu Siinaa)
Waxaa isna soo hindisay daahirada incikaaska ama soo laabashada iftiinka Caalim Islaami ah oolayiraahdo ( Ibnul Haytham )
waxaa isna soo hindisay Cilmiga loo yaqaan Cilmul Curuud Caalimka islaamiga ah ee lawada yaqaano ( Khaliil Ibu Axmed Al faraahiidi)
Cilmigaasina waxaa uu ka soo bilawday masjidkii nabiga (N.N.K.H) oo aanu ognahay in uu ahaa Jaamacadii Islaamka iyo halkii ay ka soo bilaabatay barashada dhamaan noocyada kala duwan ee Tacliinta Islaamka
Sidookale nabi kasta oo ilaahey u soo diray umad waxa uu ahaa caalim leh hal-abuur iyo xikmad aad u qotadheer oo dadka loo soo diray ka dhaadhicin jiray ama u fasiri jiray risaalooyinka loo soo dhiibay, waana tan keentay inay rumeeyaan inta Ilaahay khayrka la doono qaataana risaalada loo keenay, halkaa ayaadna ka dareemi kartaa xikmada kujirta ihtimaamka uu siiyay islaamku kobcinta cilmiga.
Hadaba Soomaalidu halkeebay ka joogtaa dareenkaa isaga ah eeku aadan qiimaha cilmiga iyo kobcintiisa?
Soomaalidu waxaa ay lamid tahay umadaha islaamka ee qiimeeya cilmiga iyo ahalkiisa, waxaana tusaale kuugu filan maanso uu tiriyey abwaan soomaaliyeed oo cabiraysa qiimaha cilmiga waxaana uu yiri.
Dadaal iyo aqoonbey dunidu isku dhaaftee.
Damiinimiyo maandhow doqonimo ma fiicnee
Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in aan soo qaadano xikmad oraneysa ( nuur inuu cilmigu yahay qofkii caalim baa garan ).
Sida la wada ogyahayna wadamada hada sheegta horumarka waxaa ay ka qaadan jireen Culuumta kalduwan Culimadii Islaamka, lakin markii umada muslimka ah ay ka fadhiisatay kaalinteedii horyaalnimo waxay noqotay natiijadu in laga dheereeyo Umadaha islaamka lana dafaraa, maanta inay ilbaxnimada iyo horumarka ay ka qaateen Culimadii islaamka.
Wabilaahi towfiiq
Lasoco qaybta 3aad