عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Kacaanka Masar Maxaan ka baran karnaa?

W/Q Cabduraxman Baadiyow

20/2/2011

“Waxaan ka baran karnaa in isbedelka loo bahanyahay yahay mid nabad ku yimaada, himiladiisu tahay dimoqradiyad, gobanimo iyo garsoor.”

Dhab ahaantii, kacaanka ay horseedka ka ahaayeen dhallinyarada Masar oo soo afjaray nidaamka kali-taliye Xusni Mubaarak waa mid inta xornimada jecel ay si weyn ugu riyaaqeen, raynreyn iyo farxadna kusoo dhaweeyeen. Anigu shakhsi ahaan, intii kacaanku socday, waxaan la noolaa dadweynaha Masar, waxaan la socday tilaabo kasta oo kacaanku qaado, waxaan wax uga noolaa “Maydaanka Taxriir”, waxaan wax ka qaadayay hal kudhiga kacaanka oo ay kamid tahay “shacbigu wuxuu doonayaa inuu rido nidaamka.” Sidaas ayaan maalmihii la soo dhaafay, waxaan ku mashquulsanaa riditaanka kali-taliska gaamuuray, waxaan ka mid ahaa inta utaagaan kacaanka “nabadda, isbedelka iyo dimoqraadiyadda.” Sidoo kale, waxaan wadnaha ku haayay farta anniga oo ka cabsi qaba “ fawdo iyo dagaal sokeeye”, waxaana Alle ka baryaayay inuu ka badbaadiyo shacabka Masar aafada ku dhacday shacabka Soomaaliyeed oo kale!.

Inta kacaanku socday, cabsidii aan ka qabay in fawdo dhacdo waxaa soo afjaray kala dambeynta, isku-duubnidda iyo sugidda amaanka oo ay gacanta ku qabteen dadweynuhu iyo shacbiga Masar oo la soo baxay ilbaxnimadii qotada-dheered ee lagu yaqiinay. Waxaa sidoo kale cabsideyda yareeyay ciidamada qalabka sida ee Masar oo diiday iney xabad ku ridaan shacabkooda, una hiiliyay xoogagga isbedel doonka ah. Ciidamada Masar waxey noqdeen kuwa difaaca dalka ee ma noqon kuwa difaaca nidaamka xukunka haystay.

Xaaladda isbedel doonka ah ee ka socota dalalka carabta sida Tunisiya, Masar, Yaman, Baxreyn, Liibiya, Aljeeriya iyo dalalka kale, waxaa dabeyl gobanimodoon ah aan la jooji karin oo xaaqeysa kali-talisyada oo dhan, kuwaas oo burburiyay kaaramadda ummadda, gaajeysiiyay shacabka, caburiyay xuquuqda aadamiga, ku takri-falay dhaqaalaha dalka, madiidinna u noqday dawlado shisheeye. Waxaa xusid muddan in shacabka Somaaliyeed kacdoonka noocaas ah uu soo maray 20 sano ka hor ayaga oo af-ganbiyay kali-taliye xukumaayay 21 sano. Haseyeeshee, nasiib darro, kacaankaas dadweynaha Somaaliyeed waa la qaloociyay, waana la marin habaabiyay ayada oo loo bedelay dagaal ka dhexeeya beelaha. Runtii, wuxuu ahaa kacaan qalooc ku bilawday, fikirka iyo ficilkaba, horseedka kacaankaasna uma kala soocneyn af-ganbinta kooxda xukunka haysata iyo bur-burinta qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa la dhihi karaa, waxaa Soomaaliya ka fashilmay seddex kacaan oo dadweynaha lagu hanbooriyay, loo hoosaasiyay, laguna hungoobay. Kacaankii ugu horeeyay wuxuu ahaa kii lagu riday Madaxweyne Maxamad Siyaad Bare, qarankana lagu burburiyay. Kii labaad wuxuu ahaa kii lagu soo celiyay qaranimada, loogana adkaaday kooxaha hubeysan oo lagu soo dhisay dawlad Somaaliyeed dalka Jabuuti 2000. Hase yeeshee, kacaankaas asigana waa dhicisoobay oo hogaan la'aan ayaa ku dhacday, waxaana kusoo rogaal celiyay kooxihii hubeysnaa oo uga adkaaday shirkii Kenya lagu qabtay 2004. Kacaankii sedexaad, wuxuu ahaa kii maxkamada Islaamiga oo lagu jebiyay qabqablayaashii dagaalka. kacaankaas asigana waa la marin habaabiyay, wuxuuna dhalay xaallada murugsan ee maanta dalka ka jirta: dawlad magac-uyaal ah oo ku nool xabsi weyn oo korka ka furan iyo mucaarad macangag ah oo gar ma qaate ah. Waxaa shaki ku jirin in dhaqanka hogaanka siyaasadda Somaaliya, kooxaha mucaaradka ah iyo beesha caalamka ayan ka muuqan in Somaaliya ujeesatay qibladda dawaldnimada iskaba daa iney qaaday waddada qaranimada. Haddaba maxaa u dhaxeeya kacaanka ka dhacaya Masar iyo kacaanka Somaaliya?

Run ahaantii, la isma barbar dhigi karo xaaladda Somaaliya ee 1991 iyo xaallada Masar 2011, waqti ahaan, nidaam ahaan iyo xadaarad ahaan, laakiin waxey kaga mideysanyihiin riditaanka kali-taliye muddo dheer xukunka dalkooda haayay. Haddii aan qodob ka fiirinno, waxaa la dhihi karaa kacaanka Somaaliyeed waxaa hogaamiyay kooxo hubeysan oo u abaabulan qaab beeled, laakiin, kacaanka Masar waxaa korkacay Bulshada Rayidka oo isbedel-doon ah. Waxaa intaaas la raaci karaa, shacabka Masar waxaa ukala soocnaa qarannimada iyo rejiimka xukunka haysta, sidaas ayaana ciidamada qalabka sida ugu eexdeen rabitaanka dadkooda. Xaalka Somaaliya sidaas ma aheyn oo ciidamadda qalabka sidaa ayaa dawladu hore uburburisay, waxeyna u qaybsameen intooda badan reerihii ay ka dhasheen, hubkii ciidankana sidaas ayaa shacabka gacata loogu geliyay.

Maxaan ka baran karnaa kacaanka Masar ? Waxaan ka baran karnaa wax badan, laakiin waxaa ugu muhiimsan:

•  Haddii shacabku doono inuu soo ceshado xornimadiisa, ma jiraan wax hor-joogsan kara ama marin habaabi kara, laakiin waa inuu helaa hogaan hufan, leeyahay horseed iyo himilo ka dhexeysa uu wada difaacaayo, laguna kala qaybin karin diin iyo qabiil toona.

•  2. Kacaanka Somaaliya u baahantahay waa inuu noqdaa mid ku saleysan nabad, isbedel-doon, waxgarad hor kacayaan, dhallinyadu horseed ka tahay.

•  Kacaankaasu kusoo bood kuma imaanayo, laab la kac ma aha, durduro kuma dhisna, wuxuu ku imaanayaa diyaar-garow dheer, tilaabo tilaabo, wuxuu ka bilaabanayaa isbedelka fikirka aqoonyahannada, mideynta dareenka iyo himiladda. Xaalladda kacaanka markii uu bislaado asaga ayaa dillaacaya, butaacaya, lamana horjoosan karo.

•  Waxaa kale oo loo baahanyahay in lagu qanco in dawladnimada Soomaaliyeed ayan ku imaaneyn waxyaabo ay dhoodhoobeen dawlado shishiye ama ha'adaha dawliga ah ee Nairobi fadhiya. Dawladnimada Somaaliyeed kuma imaan karto waddada nidaam xukun oo u adeegaaya danaha dawlado shisheeye.

•  Waxaa kale oo loo baahanyahay in lagu qanco in dawladnimada Somaaliyeed ku imaanayso oo kaliya Somaali isdhaarsata, guntiga dhiisha iskaga dhigta, xoogooda, xoolahooda iyo graadkooda kulmisa. Waxey ku imaaneysaa in Somaalidu ka gudubto kala qeybsanaata xagga fikirka dawladnimada iyo qaranimada.

•  Isbedelkaasu hal mar ma imaanayo, googol xaar badan ayuu u baahanyahay, waxey ka bilaabataa in laga gudbo “qof iyo qabiil” kaliyah, loona gudbo “kooxo siyaasadeed” (xisbiyo), kuwaas oo isku aragti ka noqda waddada soo celinta qaranimda, laakiin kala ururo ah. Qaabka xisbiya oo kaliyah ayaa asaas loogu dhigi karaa siyaasadda dimoqraadiyadda, wada-tashiga, is-kaashiga, is-dhageysiga iyo isku-dul-qaadka ku dhisan.

Gunaanadkii, waxaan marna suuragal aheyn in dalkeynna koox hubeysan oo xukunka ku rabta qoraga caaradiisa ama ku heysata qoraga caaradiisa ay keenaan isbedelka loo baahanyahay, isbedelka soo celiya sharafta, karaamada, nabadda iyo nolosha. Isbedelka ka dhacayaa dalaka carabta, gaar ahaan Masar wuxuu u yahay shacabka Somaaliyeed casharro ku dayasho mudan. Waa inaan ka baranaa inaan kacaanka Masar loo kala harin: Muslim iyo Masiixi, caami iyo culumo, taajir iyo faqiir, Islaamiyiinta iyo cilmaaniyiinta. Sidaas oo kale waa in kacaanka dadweynaha Somaaliyeed uu ku doonayo nabadda iyo nolosha, dawladnimada iyo midnimada aan loo kala harin!


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012