kalinta islamku kagajiro horukaca iyo ilbaxnimada dunida
Qaybta 4
Islamka uun baa Horuumarka Umaduhu Ku jiraa
Marka laga hadlayo sidee bulsho loo huruumariyaa ama loo dhisaa waxaa lama huraan ah in loo eego caqiida ahaan waxa ay aaminsantahay bulshadaasi wayoo suurtagal maaha in bulsho huruumar gaadho iyadoo turaaskeedii iyo thaqaafadeedi katagtay, sidaa darted umada islaamka ah waxay ku horuumari kartaa in ay raacdo rasuulkeeda ku dhaqanto kitaabka Allah, tusaalina ka dhigaataa siiradii rasuula (N.N.K.H).
Taana waxaa tusaala u ah in umadaha lagu sheego in ay horuumar ku talaabsadeen dhamaantood ay qaabka iyo tusaalaha ka qaateen hab dhaqankii iyo hogaan wanaagii uu la yimaaday Nabi Moxamed (N.N.K.H) waxayna ku qanacsan yihiin guud ahaan intooda aan xaqirin islaamka iyo ahalkiisa in uu islaamku yahay diin hagaajisa bulshada ku hagtana wanaag iyo fakir suuban, waxayna qirayaan in uusan islaamku ahayn marnaba mid wax dumiya ee uu yahay mid wax dhisa.
Islaamku waxaa uu ka dhisaa umadaha xaga caqliga iyo maskaxda xagga qalbiga iyo aragtiyada, waayoo waxaad arkaysaa inbadan isagoo qur`aanku ku jahaynayo umadaha in ay ku fakaraan waxyaabaha Allaah uu abuuray si caqligooda loo dhaqaajiyo loona hago oo aan la iska sii dayn isla markaana loo sheegayo maslaxadu xaga ay jirto, fiiri marka uu Allaah leeyahay:
أفلا ينظرون إلى الإبل كيف خلقت وإلى السماء كيف رفعت وإلى الجبال كيف نصبت وإلى الأرض كيف سطحت.من آية17-20 من سورة الغاشية
Miyaysan dadku ku fakarayn sida geela loo abuuray, sida samada loo koryeelay,sida buuraha lootaagay,iyo sida dhulka loo fidiyay.
Sidoo kale waxaa qu`aanku ku jahaynayaa umadaha mararka qaar in wax soo saar loo kaco naftana xaqeeda la siiyo sida marka uu leeyahay:
وجعلنا نومكم سباتا، وجعلنا الليل لباسا، وجعلنا النهار معاشا.آية 9-11 من سورة النبأ
miyaanan hurdada raaxa idiinkaga dhigin, miyaanan habiinka astur idiinkaga dhigin, miyaanan maalinta waqti shaqo idiinka ga dhigin.
Sidookale waxaa Allaah ku jahaynayaa umadaha in ay ka faaiidaystaan waxyaabaha Alaah u sakhiray (u sahlay) si ay horuumar u gaaraan fiiri ayaayadan:
وسخر لكم ما في السماوات وما في الأرض جميعا منه آية 13 من سورة الجاثية:
Waxaa uu idiin sahlay waxa kusugan samooyinka iyo dhulka dhamaana xagiisay ka ahaadeen.
Sidoo kale Allaah waxaa uu noo sheegayaa in uu abuuray waxyaabo wax tar u leh dadka si ay uga faaiidaystaan waxaana uu ku sii daray in uu abuurayo wax aanaan garanayn, si caqliga iyo maskaxda loo dhiso oo ay ugu fakaraan horuumar iyo waxaan joogaa in ay tusaale ka yihiin horuumar dhiman, waxaana ka mid ah ayaadka tusinaya tusaalooyinkaa aayadan soo socota:
والخيل والبغال والحمير لتركبوها وزينة ويخلق ما لا تعلمون.آية 8 من سورة النحل
Fardaha iyo baqlaha iyo dameeraha wuxuu (idiinku abuuray eebe) in aad kortaan iyo qurux, waxa uuna abuuri doonaa wax aadan ogayn.
Aayaadkaa dhamaantood waxay tilmaamayaan horuumarka waxay jahaynayaan in dadka si guud oo ay ku jahaynayaan in ay tusaala ka dhigtaan qur`aanka baarisna sameeyaan si ay horuumar ugaaraan.
Lakiin umadaha muslimiinta ah ee iyagu xaqa u leh in ay noqdaan kuwa ugu horaya ee ka faaiidaysta tawjiihaadka iyo tusaalooyinka Allaah ku soo bandhigay kitaabka qu`aanka ah waxaa dhab ah in aysan kafaaiidaysan oo aysan u istaagin in ay kala baxaan macaanida uu tilmaamayo qur`aanku.
waxaana la hubaa umad walba hadii ay asalkeeda iyo turaaskeeda katagto way luntaa umada muslimka ahna waxay haysataa kitaab xag Alla kayimaad kii u danbeeyay wax uu dhaafay oo huruumar keenayana aysan jirin, waxaa loo soodiray Rasuulkii u danbeeyay oo aanay ka danbeyn risaalo xag Rabi katimaada, wayna kaleexdeen oo kama aysan faa iidaysan tusaalooyinka iyo tawjiihaadka uu tilmaayay kitaabka Allaah umado aan rumaysnayn ayaa kala baxay markaasay ku leeyihiin umadaha horuumarray marki dib loo jaleeco taariikhdana waxaa lagaranayaa heerka ay joogeen iyo umada Islaamku heerka ay maraysay waa hade hal qarni wax kayar.
marka waxaa la gudboon umada muslimka ah in ay u istaagto sidii ay uga faa iidaysan lahayd ishaaraadka cad cad ee kitaabkooda iyo tawjiihaadka rasuulkooda ku qoran si ay u noqdaan umad mutaysta gurmadka Allaah.
Taasi waa towjiihaadka Allaah uu siinayo daka guud ahaan xagga wax qabsiga iyo huruumarkaba laakiin waxaan ku soo qaadan doonaa qeybta soo socota talooyinka iyo tawjiihaadka Allaah eek ku xirnaanshaha iyo ka amar qaadashada Allaah iyo rasuulka (N.N.K.H) iyo natiijada umaduhu markaa ay ka gaarayaan in sha`Alaah.
LASOCO QAYBTA 5