عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

kalinta islamku kagajiro horukaca iyo ilbaxnimada dunida

Qaybta 6 aad

Islaamka iyo toosinta suluukiyaadka umadaha

7/5/2008

Marka laga hadlayo suluukiyaadka ama akhlaaqiyaadka dadka waxaa lagama maarmaan ah in loo eegaa hadba waxa insaankaasi aaminsan yahay waa ayoo waxaa jira wax aan ku xumayn dhaqamada qaar kuna xun qaarkale, in kastoo ay jiraan suluuk ama akhlaaq caam ah oo ka dhaxaysa insaanka dhamaantii oo laga yaabo in muslim iyo cid aan muslim ahaynba laga helo, laakiin waxaa lakala baxayaa marki loo yimaado hab dhaqanka diineed.

Umadda muslimaka ah waxa ay suluugeeda ama akhlaaqdeedu kujaan go,antahay ama ku salaysan tahay islaamka iyo waxa uu ka yidhi arinkaa waayoo Allaah kitaabkiisa qur`aanka ah muusan ka halmaamin waxna waakan Allan naleeyahay:

ما فرطنا في الكتاب من شيء آية 38 من سورة الأنعام

Waxba kama aanan tegin kitaaka

Hadaba tawjiihaadka ama taloyinka xagga Allaah nooga yimaada ee kala cadaynaya suluugga qaloocan iyo kan toosan akhlaaqda xun iyo tan toosan oo ay tahay in Allah looga danbeeyo waxaa ugu horeeya ruuxa muslimka ah in uusan Afxume noqon oo uu iska ilaaliyaa dhamaan wixi xun ama la dhibsado hadal iyo ficilba in ay ka soo fulaan Allaahna waxaa uu leeyahay:

وقولوا للناس حسنا آية83 من سورة البقرة

In ay u dhahaan wanaag dadka

Waa in ruuxa Amarada Allaah qaatay uu noqdaa mid aan looga baran afxumi iyo hadalo la dhibsado waa ayoo waxaa ay ka hor imaanaysaa tawjiiha Allaah ee ah dadka wax wanaagsan ku dhaha.

Sidookale waxaa uu amrayaa Allaah (SW) dadka in malada xun laga fogaado oo wax aan lahubsan aan cidna laga malayn ama loomalayn maxaa yeelay maladasi waxa ay keenaysaa in ruux wanaagsan xumaan dusha laga saaro xumaan taasina waxaa ay noqonaysa danbi Allaahna waxaa uu leeyahay:

ياءيها الذين آمنوا اجتنبوا كثيرا من الظن إن بعض الظن إثم ولا تجسسوا ولا يغتب بعضكم بعضا آية12 من سورة الحجرات

Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah maxaa yeelay malaha qaarkii waa dambi hana is jaasuusina qaarkiina qaar yaysan xamanin.

Sidookale talooyinka xgga Allaah ka imaanaya ee faraya in umaduhu hagaagaan oo wanaag iyo samaan isku kaalmaystaan oo ay awaamiirta Allaah ka danbeeyaan kuna xidhnaadaan Allaaha abuuray xumaha iyo colaadana ka fogaadaan waxaa kamid ahQawlaka Eebe:

وتعاونوا على البر والتقوى ولاتعاونوا على الإثم والعدوان آية2 من سورة المائدة

Isugu kaalmeeya samaha iyo dhawrsiga hana isugu kaalmaynina danbi iyo colnimo

Fiiri taladaan Rabaaniga ah waxkale lama tilmaamin ee waxaa uu tilmaamay Allaah (SW) samaan iyo taqwaa waxaan kagaranaynaa halkaa ahmiyada ay bulshada u leeyihiin labadaa arin oo aanu ognahay hadii ay meesha ka maqanyihiin waxaa badalkoodii imaanaya fasaad iyo colaad.

Sidookale waxaa latilmaamaa in dadka mu`miniinta ah oo iimaanku walaaleeyay in ay lamid yihiin hal jasad sida ay isula xanuunsanayaan isujecelyihii waakan Nabigu leeyahay:

مثل المؤمنين في تودهم وتراحمهم كمثل الجسد الواحد إذ اشتكى منه عضو تداعى له سائر الجسد بالسهر والحمى

Mu`miniintu waxaa ay la mid yihii isjacaylkooda iyo isu naxariisadkooda hal jasad oo marki ay xubin ka mid ahi xanuunsato jidhka oo dhan uu saamaynayo xanuunkaasi iyo soojeedkaasi

Waxaan Allaah ka rajaynaynaa in uu natusiyo tawjiihaadka Allaah nagana dhigo kuwii qaata oo u dhaga nuglaada.

lasoco Qaybta 7aad


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010