عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

HAWEENKA SOOMALIYEED IYO DIB U HESHIISIINTA

6/2/2008

  Haweenka Soomaaliyeed waxay can ku yihiin arimaha dib-uheshiisiinta sababtoo ah marka dib looraaco dhaqanka Soomaalida marka ay is dagaalaan laba reer marka ugu danbeysa ee ay heshiinayaan wax yaabaha ugu danbeeya ee lagu xaliyo waxay ahaan jirtay in la isa siiyo hablo oo sidaas dhiigii socday lagu joojiyo laguna gaaro dibuheshiisiin waana meesha Soomaalidu ay ka tiraahdo (meeshii uu dhiig ka yimaado waxaa lagu bur buriyaa xinjir) loona gaaro dibuheshiisiinta.

Haweenka Soomaaliyeed waxay intabadan kasoo qeyb qaateen dibuheshiisiintii loo qabtay umada Soomaaliyeed waxayna kaalin ku lahaayeen shirarkii inta badan laysugu imaan jiray waxayna gacan ka gaysan jireen inuu heshiiskaas mira dhalo, waxay haweenka Soomaaliyeed markasta ku celceliyaan oraahda Soomaaliyeed ee ahayd (aan wada hadalno waa aan heshiino) oo ay ka yiraahdaan meelkasta ama goob kasta oo looga wada hadlayo dibuheshiisiinta Soomaaliyeed.

Haweenka Soomaaliyeed inkastoo aysan awood ulahayn inay kala dhaxgalaan qabaailada is dagaalaya hadana waxay sameyn jireen inay arimo kale oo wax ku ool ah keenaan sida suugaan iyo inay banaanbaxyo sameeyaan iayagoo halheys ka dhigta dagaalka wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, iyo hooyooy inoo yeela hadalka yaga, nagu ixtiraama sida aan u wadno dibuheshiisiinta hadaladaas iyo kuwo kale oo farabadan oo ku tusinaya dowrka ay ku leeyihiin dibuheshiisiinta iyo sida ay ugu heellan yihiin inay dalka Soomaaliya gaarsiiyaan horumar lataaban karo.

Haweenka Soomaaliyeed badankood ma ahan kuwo colaadaha ka qeyb qaata sabab too ah dhibka ugu badan iyaga ayuu ku dhacaa sidaas darteed waa in ay ka shaqeyaan sidii loogaari lahaa dibuheshiisiin rasmi ah si,aan uga baxno dhibaatada ay dagaaladu u geysteen shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka sidaasi waxaa ku calaacashay mid ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo codsatay inaan magaceeda la xusin.

Lama soo koobi karo haweenka qeybta ay ka qaateen dib uheshiisiinta waxaana kamid ah wax qabadkooda tusinayaa doonitaanka Haweenka Soomaaliyeed nabad kuwada noolaaasho waxyaabaha soo socda:

•  Waxay fureen isbitaalkii haweenka iyodhalaanka ee banaadir waxay ku fureen ama ku bixiyeen dhaqaalo ay iyagu lahaayeen.

•  Waxay qaadeen jidgooyooyin ama isbaarooyin aad u fara badan waxaana la ogaaday in raga iyo haweenka marka lagu jiro xaga dibuheshiisiinta la maqli ogyahay haweenka taasaana ah mida keentay inay haweenka qeybta ugu weyn ku yeeshaan dib uheshiisiinta.

Haweenka Soomaaliyeed marka laga hadlayo dibuheshiisiinta waxay ka sameeyeen meelo badan waxayna qabteen howlo aad u farabadan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin waxaana marqaati laga yahay inay wanaag farabadan ka qeybqaateen weyna ku amaananyihiin taariikhda ayaana xusi doonta qofkii qabtay wax wanaagsan iyo qofkii qabtay wax bulshada dhib u keeni kara .

Gebegabdii waxaan ku soo gabagabeynayaa (NINDOONABA HA HADLEE HOOYADU WAA LAMA HURAAN) haweenka Soomaaliyeed kaalintoodu waa mid aan la iloobi karin xagga dibu heshiisiinta Soomaaliyeed.

Wabilaahi towfiiq


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012