HAWEENKU WAA HORMUUDKA NOLOSHA
24/12/2007
Waxaanu wada ogsoonahay in haweenka uu ku sheegay Nabigu N.N.K.H (Shaqaaiqu rijaal) Ragga barkii
Waxaanu u qaybin doonaa qormadan dhawr maqaal anagoo uga hadli doona kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada dhaxdeeda, anagoo taabandoona dhinacyo kala gedisan sida xagga waxbarashada caafimaadka xnaanada iyo tarbiyada caruurta iyo waxyaabakale oo farabadan.
Hadaba haweenka soomaaliyeed waxay bulshada ku dhex leeyihiin awood aan lala yeelan karin oo mudnaan gaar ah leh waxaana noo tilmaameysa murtida hoos ku qoran iyo kuwo kale oo badan oo aynaan halkaan ama qoraalkan ku soo koobi Karin bal aan tusaale u soo qaadano maah maah yadan tilaamaya dowrka haweenka ama wax qabadkooda .
Col naago lasocdaan majabo
Naag la,aan waa naflaan
Naagi wey ku kabtaa
Ragoow sidaad mooday maahan , guud ahaan ragu waxa uu qabaa in aan dumarku lagarasho,karti, aqoon waxtar iyo wax qabad ahayn, gaar ahaan raga soomaalida qaarkood aad bey u xaqiraan haweenkooda waxaana daliil cad u,ah maah maahyoyin badan oo ay ka mid yihiin:
Kal caano galeen kasmagalo
Kabtaada iyo naagtaaduba hakaa hooseeyaan.
Bal aan fiirino wanaaga ay haweenku ku leeyihiin qeybaha kala duwan sida .
Howsha ama agaasinka guriga, soorida martida talooyin ama go,aanka ay ka qaadanjireen dhinaca guurka iyo haasaawaha ganacsiga, maamulka, madaxtinimada, wax barashada, caafimaadka, xanaaneynta caruurta.
Dowrka haweenka ee dhismaha mujtamaca waa mid xoogan oo hadii la dhiso abuuri kara bulsho hormarsan sidaas darted suurtagal maahan in bulsho taagdaran ay hormarto hadii aan hooyadaas laga qeyb gelin koriimada iyo dhismaha mujtamaca .
Raga qaar ayaa xaqira haweenka waxayba u haystaan adoon ay soo iibsadeen waxay kutuntaan xuquuqdooda gaar ahaaneed iayagoo saaraya culeys aan ilaahey raali ka ahayn tusaale ahaan nin ayaa laga yaabaa inay haweeneydiisu u dhashay 8 caruur ah uu si,sahal ah ku furo qoorta inta uu qabto uu si dhaqsileh albaabka ugu saaro sababtoo ah wuu nacay oo waxa uu soo arkooday mid kale taasina waa dulmi la dulmiyey gabadhaasi sidaasina waxaa beylah ku noqda caruurtii hadii ay waayaan jaceylkii hooyanimo waxay jaanis u heleen inay ku biiraan caruurta darbi jiifka ah ee suuqyada koolada ku dhuuqa .
Dhinaca kale axaadiista rasuulka (csw) laga wariyey ayaa waxaa jira in uu nin rasuulka (c.s.w) weydiiyey dadka yaa iigu xaqnimo badan inaan usamafalo oo aan wax wanaagsan u qabto.?
Markaasuu nabigu kuyiri hooyadaa wuxuu ku yiri yaa ku xiga markaasuu yiri hooyadaa ilaa sadex jeer markii afraad ayuu yiri aabaha.
Dhanka kale waxaa iyagana hal-abuurkooda ku cabiray hal-abuurayaal Soomaaliyeed ama abwaanada qaarkood wanaaga ay ku tilaameen hooyada ama hablahaba aan soo qaadano abwaanka Soomaaliyeed ee maxamed ibraahim warsame (hadraawi) markuu ka hadlayey gabdhaha soomaaliyeed wuxuu yiri .
-Hablo weerargelikara
-oo geesidilli kara
-gobanimana hanan kara
- hablo talada goynkara
- oo garta madal kanaqi kara
- garashana isaga mid ah
- quruxdana kawada goba
- geeskeena mooyee gayikale ma joogaan
abwaanku waxa uu sheegay wax jira waayoo hablaha Soomaaliyeed marki dib loo eego taariikhdooda waxaa garanaynaa inta uu sheegay abwaanu in ay ahayeen oo ay samaynjireen taasina waxay cadaynaysaa qiimaha iyo dowrka haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin hormuudnimada nolosha .
mar uu isna kahadlayey gabdhaha soomaaliyeed abwaanka layiraahdo c/le raage taraawiil ilaahey ha unaxariistee wuxuu isna yiri .
hubka xirashadiisiyo
Markey hodan dhaqaaqeyso
Haweenka aan lahayn
Dunida waa ugu horeeyaane .
Waxaan isagana soo qaadaneynaa abwaanka soomaaliyeed ee la yiraahdo aadan c/samad barkhad (beleloo) ayaa isaga oo ka hadlaya wanaaga ay haweenku kuleeyihiin yiri .
- maahmaahgabowdaa
- gabdhayahow waxay tidhi
- guntaa laga tollaaweel
- waxaan ugu gol leeyahay
- geyigaan ku dhaqanahay
- geeskani miskiinka ah
- waxaa guul uhanankara
- oo geediyeynkara
- oo dunida gaadhsiin
- waa gaari dumaroo
- garashada ilaahiyo
- edeb lagu gardaadshoo
- ogow gabano korisee
waxay ku tusineysaa dowrka ay horumarka haweenku ku leeyihiin iyo wanaaga ay bulshada dhexdeeda kahayaan waase hadii ay noqdaan haween garta marka hore majaalaadka ay kuleeyihiin horumarinta nolosha ee aanay noqon wax walba waanahay.
xikmad ayaa oraneysa ( haweeney wanaagsan ayaa soo saarta bulsho wanaagsan )
wabilaahi towfiiq
LASOCO Q2