عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

MAGAALADA HARRAR WAXAY KA MID TAHAY XARUMIHI DACWADA ISLAMKA LAGA FIDIN JIRAY EE GEESKA AFRIKA

25/12/2007

Ugu horeyntii marka laga hadlayo xaruumaha dacwada islaamka ee Soomaaliya waxaa jira laba xaruumood oo kala hogaamiya xaruumahaas waxayna kala yihiin

•  magaalada harar oo horkaceysa xaruumaha kuyaala galbeedka Soomaliya oo dhan

•  magaalada muqdisho oo horkacaysa iyaduna xaruumaha kuyaala koofrta Soomaaliya oodhan

magaalada harrar

waxay kutaala geeska galbeed ee dhulka Soomaalida waana xaruunta ugu weyn ee ay ka farcamaan xaruumaha dacwada islaamka ee galbeedka Soomaaliya oodhan magaaladaas muhiimaka ah Allaah baa waxaa uu qadaray in ay gumeysi gacanta ugasho ilaa manta aanu joognana ay kujirto.

Harrar & dowrkeeda dacwada islaamka

Horta magaaladaas islaamku waxaa uu soogaaray qarnigii kowaad ee hijradii nabiga N.N.K.H waxaana soo gaarsiiyay Shiikh lagu magaacaabijiray Sh.Abaadir Allaah ha u naxariistee.

magaalada Harrar qarnigii 13 ee miilaadiga waxay noqotay xaruunta uguweyn xagga fidinta dacwada & thaqaafada iyo fiqhiga islaamka ee bariga afrika qarnigii 16aad waxay gaarta meesha ugu sareysay sharaf xagga fidinta diinta islaamka marki uu Axmad gurey ka dhigtay xaruuntii kuxuumadiisa iyo xaruuntii fidinta diinta Islaamaka ee wiliba uu firfircoonida xaga dacwada iyo fidinteedaba gaarsiiyay 60% dhulka xabashida oo dhan.

Ninka layiraahdo (Sir Richard Burton) waxaa uu ku cadeeyay buugiisa layiraahdo (East African First) in magaalada harar ay aheyd qalcad tacliimeed masaajiideeduna ay ahaayeen jaamicaad iyo madaaris aad loo ga barto diinta islaamka

Waxaana uu sheegayaa ninkaa qoraaga ah in masaajid walba oo kuyaalay magaalada harar uu lahaa ugu yaraan madrasa (isguul) waxaana laga heli jiray isguuladaa nuucyabadan oo xagga tacliinta ah sida qur`aanka iyo culuumtiisa iyo xifdintiisaba, shariicada islaamaka, luqada carabiga, tacliinta cilmiga akhalaaqada iyo suluuga.

Waxay ku can baxday buu leeyahay (Sir Richard Burton) magaalada harar sugida cilmiga luqada carabiga iyo cilmiga tafsiirka iyoxadiiska iyo cilmiga usuul al fiqhiga sidaa darteed ayayna kunoqotay meesha ay u soo doontaan culuumta islaamka eek ala duwan si ay baxar ugu noqdaan cilmiga islaamka.

Magaalada harrar waxay aheyd qalbi laburqanaaya diin iyo dacwo intii lagu jiray csuurtii sharafta Islaamka, waxayna sababtu aheyd culimadii & fuqahadii waaweynaa ee kunoolaa magaaladaasi darteed,& masaajideedii waaweynaa & kutubo ama farguriyaal aan laga helayn Soomaaliya inteeda kale oo ay laheyd.

Magaalada Harar firfircoonideeda xaga dacwada fidinteeda iyo faafinta thaqaafadi Islaamka way soo jirtay ilaa looga magacaabo manaaradii Islaamka ama matxafkii Islaamka ee Soomaaliya & bariga afrika oo dhan.

Magaalada harrar waxay noqotay maalin maalmaha kamid ah caasimadda Soomaaliya oo dhan waxayna ku leedahay dowr aad uweyn fidinta diinta Islaamka ee Soomaaliya guud ahaan iyo gobolada galbeedka eek u dhadhaw gaar ahaan.

dowrkaa isaga ahna ma aheyn mid ku eg Soomaaliya oo kaliya ee waxay sumcadweyn kulahayd xagga fidinta diinta Islaamka iyo tacliinta Islaamiga ahba caasimadaha caalamaka Islaamka dhexdooda waayoo dibadaha ayaa looga imaanjiray si tacaaliimta Islaamka looga barto

waxayna kahelijireen dadka uyimaada in ay wax ka bartaan cilmigii ay u soo doonteen iyagoo cilmiga ka qaadanjiray culimadii magaalada harrar ka fidinjirtay dacwada iyo diinta Islaamka.

magaaladaani waxay sidoo kale dowr aad u weyn ku leedahay ku fidinta caqiidada Islaamka ee wadanka nala jaarka ah ee itoobiya.

Culimadii ugu waa waynaa magalada harrar

waxaa kamid ahaa culimadii ugu caansanaa dacwada fidinteeda iyo culuumta islaamka ee taariikhdu magacyadoodii noo heysay waxaa kamid ahaa:

•  Sh.Haashim al harrari

•  Sh.cali ibnu C/raxmaan ooloo aqoonjiray (sh.cali sufi)

•  Sh.al qaadii C/laahi

iyo inbadan ookale oo la ogyahay in ay dowr weyn kulahayeen fidinta diinta Islaamka

Taariikh ahaan waxaa si guud loo ogyahay in magaalada harrar iyo aqaaliimkale oo raacsan in ay xabashidu qabsaden sanadku markuu ahaa 1887ee sanadka miiladiga markaana ay ku dhaqaaqeen in ay baabi`iyaan wixii muuqaal Islaam ahaa oodhan sida masaajidii oo ay dudumiyeen masjidkii ugu weynaa magaalada oo ay kaniisad ubadaleen iyo kutubtii farguri aheyd oo cilmgii kujiray aan Soomaaliya laga helayn oo ay gubeen iyo culimadii oo ay qaarna carareen qaarna ay laayeen.

Arinkaa markuu dhacay wixii ka danbeeyay dawrkii magaalada harrar ee xagga fidinta dacwada Islaamka waa uu lumay waxaana Allaah kabaryeynaa in uu islaamka sharaftiisii u soo celiyo magaaladaaasi iyo magaalooyin lamid ahaana karaamadoodi.

Aamiin Aamiin Aamiin.

F.G

Hadii aad doonayso in aad akhrido qoraalkan oo carabi ah booqo webka qeybtiisa carabiga ah

Buugaagta raad raaca mowduucan waa kuwan soo socda:

•  Maxamed cali C/karim iyo ragkale/ Taariikhu tacliim fisomal/ muqdisho 1978

•  Xamdi Sayid Saalim/Soomal qadiiman waxadiisan muqdish 1965

•  axmed Barkhad Maax/ Wathaaiq cani Soomal wal xabasha/qaahira 1981

•  dr. Xasan Maki Maxamed Axmed/ Siyaasaad al thaqaafiya fisoomalil kubraa 1986


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010