Gurku waa baahi insaanku uusan ka marmikarin
12/8/2008
Insaanku dhamaan lab iyo dhadigba waxaa ay baahi u qabaan guur, sida ay ugu baahanyihiin cuntada,cabidda, hurdada, waxyaabahaa oo idil baahida loo qabana waa baahi aanay suuragal ahayn in laga maarmo.
Haddaba si aan u fahamno qiimaha iyo macnaha kujira guurka aan macnayno baahi waxa layiraa.
Baahi waxaa ay ka dhigantahay si kooban marki loo sheego dhibaato.
Macnaha dhibaatadaasina waxa ay noqonayaan insaanku in uu u dhibtoodo wax naftiisu u baahantahay hadii uu helana naftiisu ay ku baahi baxayso wiliba irtiyaaxna ay ku helayso.
Sidaasi darted baahida insaanku way nuucya badantahay waxayna noqon kartaa baahi:
Fisiloojiya, sida in uu u baahanyahay insanku Raashin, Biyo, Hurdo,iwm.
Nafsiya, sida in uu u baahanyahay in uu wax jeclaado, wax naco, laqadariyo, amaan helo, deganaansho ku noolaado, iyo jiritaankiisa in uu sugo iyo wlm.
Hadaba baahida guurku waxaa ay kulminaysaa afar wax yaabood oo isku xiran isna dhexgala oo ah:
In guurka lagu gaaro deganaan nafsi ah
In lagu gaaro xaqiijinta dareenkii nooca
In lagu gaaro dhergin ladhergiyo gariizada insaanaka
In lagu xaqiijiyo is dhamaystirka insaanka labadiisa nooc
Hadaba hadii guurku xaqiijin waayo canaasirtaa afarta ah ama mid kamid ah waxaa uu noqonayaa guu naaqis ah, nqsaantiisuna waxaa ay la ekaanaysaa hadba canaasirtaasi afarta ah inta ka maqan.
Tusaala ahaa markaan isku dayno in aan si kooban u sharaxno cunsurka hore ee ah (in guurka lagu gaaro deganaan nafsi ah) ugu horayntii waa in aan ogaanaa in hawlaha guurka tan ugu horaysa tahay xaqiijinta cunsurkaas isaga ah, maxaayeelay waad arkaysaa qawlka eebe marka uu leeyahay:
ومن آياته أن خلق لكم من أنفسكم أزواجا لتسكنوا إليها وجعل بينكم مودة ورحمة إن في ذلك لآيات لقوم يتفكرون. الرّوم آية21
Ayaadka tusinaya weynaanta Allae iyo kaamil ahaanshaha awoodiisa in uu idinka abuuray naftiina haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina, is jacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan calaamad qoomkii fakaraya.
Hadaba deganaan xaga nafta ah kalgacayl iyo naxariis sadaxda aayadu sheegtayba waxaa ay ka mid yihiin baahida nafsiga ah ee dhamaan insaanku u baahanyahay uuna u dadaalo sidii uu ugu xaqiijinlahaa guurka, insaankuna guurka ka hor waxaa uu ku noolyahay xaalad kala daadsanaan, calwasaad iyo deganaan la`aan ah, aayadaasi quraanka ahna waxaa ay ishaartay nicmooyinka nafsiga ah ee laga helayo guurka waxaana sii dheer nicmooyin farabadan oo aan al sheegin iyo kuwa aayaadkale oo quraanka ka mid ah la gu sheegayba.
Nicmooyinkaana waxaa ugu horeeya نعمة الإنجاب ama taranka oo aad ogtihiin in insaanku aad u jecelyahay in uu arko caruur uu dhalay, quraankuna wuxuu ku cadeeyay meelo dhawrah, jacaylka uu insaanku u qabo taranka, cidwalbana nafteeda markay ku noqoto way dareemaysaa nicmadaasi iyada ah.
Hadaba in caruur la dhalo waa nicmo Allaa bixiyocidwalibana jeceshahay in ay heshaa, lakin maxaa raacsan in la tarmo, waxaa ka ratibmaya mas uuliyaad kala duwan iyo waajibaat culus.
Qormada soo socota ayaan uga hadli doonaa hadii uu Allaha awoodda weynlihi ogolaado arintaasi.
Lasoco qaybta labaad