عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

DADAALKA SOOMAALIDA
EE TAAKULAYNTA DADKA KU DHIBAATOOBAY FATAHAADAHA

Soomaalidu waxay tiraahdaa RAG TASHADAY TOWFIIQ U DHOW; Waxaa wax lagu farxo ah dadaalada ay sameeyeen Soomaalidu si ay u taakuleeyaan walaalahooda ku waxyeeloobay fatahaadaha ka dhacay qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Waxaa is xilqaamay dadwaynaha, waxay ururiyeen tabarucaat, isugu jira lacag, cunto iyo waxyaabaha kale ee loo baahan yahay. Waxaa abaabulka arintan ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida hayadaha samafalka, qaybaha warbaahinta, culumaaudiinka, ardada, ganacsatada iwm.


Idaacadaha Muqdisho qaarkood si joogto ah ayay yabooha kaalmada u ururiyaan maalin kasta, kuwo kale habeenno ayay yaboohda ugu talogaleen.
In bulshadu is kaalmayso waa arin lagama maarmaan ah. Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar isagoo ka hadlaya munaasabad lagu ururinayay kaalmo noocan ah wuxuu yiri “Waa waajib iscaawintan oo kale oo lagu badbaadinayo naf geeri qarka u saaran, sida quraankeenu sheegayo ninkii naf badbaadiyaa waxa uu la mid yahay isagoo dadka oo dhan badbaadiyay”.
isu gargaarida noocaan ah waxay soo caanbaxday bilowgii sanadkan 2006 kaddib markii qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliyeed ay ka dhaceen abaaro lagu hoobtay oo saameeyay dad iyo duunyaba, taas iyaga oo ka duulayay ayaa waxaa samaysmay dad jecel wanaaga dadkooda iyo dalkooda, abaabullo shacbi ahna bilaabay, halkii xilligii hore lagu kaaftoomi jiray qaylodhaan loo diro dibadda.
Roobabkii waawaynaa ee xiligan dayrta oo todobaadyadii la soo dhaafay sida wayn uga da'ay Dalkeenna iyo wadamada la dariska ah ayaa sababay daadad xad dhaaf ah oo keenay in ay buux dhaafiyaan wabiydada Shabeelle iyo Jubba : isla markaana daadadkaasi waxay ku fataheen dhul aad u balaaran oo dhulbeereedyo dalagyadii ku yaalaan,
Dhibaatiooyinkani waxay sababeen khasaaro Nafiyo maalba leh oo soo gaaray 6 gobol oo gobollada Soomaaliya ka mid ah oo ay wabiyadumaraan,


Ugu dambayn, qof kasta mas’uuliyad ayaa ka saaran inuu caawiyo Walaalahiisa Soomaaliyeed ee ay dhibaatadaas la soo deristay, waxaana ku soo afmeerayaa xadiiskii Nabigeena (NNKH) ee ahaa “Naftaada waxaad la jeceshahay la jecloow Walaalkaa”.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008