عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

BOQOLAAL KUN OO QOF OO FATAHAADUHU BARAKICIYEEN

Waxaa fatahaado xoog leh ka dhacayaan gobolada Koonfur Soomaaliya, gaar ahaan Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe, Jubada Hoose, iyo Gedo. Waxaana aad ugu sii daran gobolada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Jubada Dhexe.
Waxaa wada socda biyaha webiyada Shabeelle iyo Jubba oo fatahaya, iyo roobab xooggan oo da`aya. Taasina awoodda fatahaadda ayay sii kordhinaysaa.
Magaalooyin dhowr ah iyo tuulooyin badan ayay biyuhu dabooleen. boqolaal kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii, oo u hoyda meelo cidla ah, iyagoo waliba roob ku sii da`ayo. Waxay la`yihiin cunto iyo biyo nadiif ah. Waxaa halis ku haya Yaxaaska biyaha la socda, masaska iyo halaqa kale ee biyaha ka qaxaya, iyo kaneeco tiro badan. Waxaa bilowday cudurada nadaafad yaraanta ka dhasha, sida shubanka iwm.


Daadadkani waxay sababeen dhimasho dad iyo xooloba ah, waxayna baabi`iyeen hanti badan oo isugu jirta guryaha iyo agabkii yaalay. Sidoo kale waxaa ku waxyeeloobay goobihii danta guud ee magaalooyinkaas iyo tuulooyinkaas, sida iskuulada, ceelasha, masaajidada iwm.


Dadkan ay barakiciyeen daadadkani waxay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah, si loo badbaadiyo naftooda. Dhamaanba umadda Soomaaliyeed, maamullo iyo shacabba, waxaa looga baahan yahay inay isu taagaan taakulaynta walaalahooda tabaalaysan.
قال الرسول (ص)" من نفس عن مؤمن كربة من كرب الدنيا، نفس الله عنه كربة من كرب يوم القيامة..." رواه مسلم
“Qofkii qof mumin ah ka fayda kurbo ka mida kurbooyinka aduunyada, isna Ilaahay wuxuu ka faydaa kurbo ka mida kurbooyinka Qiyaamaha”


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008