Fadliga iyo qiimaha samirku leeyahay
15/6/2008
Samirku fadli iyo qiima farabadan ayuu leeyahay oo aan la soo koobikarin Qur`aankuna waxbadan ayuu kahadlay fadligaa iyo qiimahaa iyaga ah ee samirku leeyahay waxaana wax la hubo ah hadii ruux walabaa uu raaco tusaalooyinka Qur`aanku kabixiyay samirka uu ku liibaanayo aduun iyo aakharaba.
Samirka waxaa Allaah ku xiray falaaxa iyo liibaanta dadka wayoo guul iyo liibaan waxa ay timaadaa dulqaad iyo samir kadib cid aan samrina maysan sugin guusha iyo liibaanta Allaah wawaxaa uu leeyahay:
ياءيها الذين آمنوا اصبروا وصابروا واتقوا الله لعلكم تفلحون. آية 200 من سورة آل عمران
Kuwa Xaqa Rumeeyeenow Samra oo Samirtama Kuna negaada Dhawrista Xuduuda Kana baqa Allaah waxaad mudan tihiin in aad liibaantaane.
Sidookale waxaa Fadliga samirka kamid ah abaal gaar ah oo Allaah ugu tala galay Ruuxa saabirka ah abaalkaasna majiro cid mutaysatay oo aan ka ahayn saabirka Ruuxa ku sifoobay abaalkaas oo ah in si xisaab la`aan ah Allaah u abaal mariyo waxaana uu leeyahay Allaah:
إنما يوفى الصابرون أجرهم بغير حساب. آية 10 من سورة الزّمر
Waxaa uun loo oofiyaa oo loo dhamaystiraa kuwa samra ajarkooda xisaab la`aan
Waxaa laga qaadanayaa aayadaa macnaha soo arooray in ay iyaga uun yihiin waa saabiriinta`e kuwa si xisaab la`aan ah Allaah u abaal marinayo, waana bishaaro wayn in xisaab la`aan loo abaal marinaayo cidii samirta oo macsi ka samirta daacadana ku samirtaa, waxaana lagama maarmaan ah in cidwaliba oo iimaan leh ay dan u yeelataa abaalmarintaa iyo fadligaa ku jira samirka iyo dulqaadka ayna ka faaiidaystaan timaamaha iyo towjiihaadka Allaah.
Sidookale waxaa Fadliga samirka kamid ah in uu Allah lajiro ruuxa saabirka ah ee ku samra wax Allaah raali kayahay wiliba Alle waxaa uu ka dalbayaa mu`miniinta in ay kaalmo ka dhigtaan smirka iyo salaada waxaana Allaah leeyahay:
ياءيها الذين آمنوا استعينوا بالصبر والصلاة إن الله مع الصابرين. آية 153 من سورة البقرة
Kuwa Xaqa rumeeyow kaalmayta Samirka iyo Slaada Eebe waxaa uu la jiraa kuwa samra`e
Hadaba maciyada Allaah ama lajirka Allaah wax yar maaha wax lahelikarana maaha cid waliba oo iimaan lehna waxaa la gudboon in ay arinkaa aad u raadiso juhdi iyo dadaal dheeri ahna gelisaa sidii ay ku gaari lahayd darajadaa.
Fadliga samirku leeyahay lama soo koobi karo waa uu ka waasac san yahay wax hal qormo iyo wax u dhaw lagu soo kobo waxaanse ku soo gabagabaynayaa qormadaan in uu Allaah u kulmiyay ama isugu daray sadex arin oo aad u wanaagsan oo ayna jirin cid kale oo mutaysatay in la isugu daro oo aan ka ahayn saabirka waxayna yihiin sadexdaa arin Nabadgelyo iyo Naxariis iyo Hanuun waxaana uu Allaah leeyahay:
أولئك عليهم صلوات من ربهم ورحمة وأولئك هم المهتدون. آية157 من سورة البقرة
Kuwaas (saabiriinta) waxaa kor kooda ahaan Deeq Eebe iyo Naxariistiisa waana kuwa hanuunsan.
Hadaba samirku waa sahay Qaali ah waana sumad Alla jecelayahay Ruuxii ku sifoobana wuu ku saramaraa si kastoo ay ahaataba samir waa lama huraan
Lasoco Q4aad