عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Doorashada Somaliland: Tusaale ku Dayasho Mudan

Dr. Ali Bashi Omar

Goddomiyaha Xarakada Islaax.

3/7/2010

Sida la wada ogsoon yahay, ee Somaliland 20 sano u halgameysay ictiraafka gooni-isutaageeda aan Somalida inteeda kale la qabin, waxay baryahaan ku hawlan tahay doorashooyinkii madaxtinimada ee labaad oo shacabku toos ugu soo dooranayo madaxweynehooda. Loolanka doorashada waxaa ku tartamay saddexda xisbi ee dalka ka jirta oo kala ah: xisbiga madaxweynaha hadda talada dalka haya ee waqtigii uu ka dhamaaday laguna magacaabo Xisbiga Udub , iyo labada xisbi ee mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID.

Xisbiga Udub waxaa murashax madaxweyne u ahaa Madaxweyne Dahir Riyale kahin . Xisbiga Kulmiye waxaa murashax madaxweyne u ahaa Mudane Ahmed Moxamed Silaanyo . Halka xisbiga UCID uu murashaxa madaxweyne uu ahaa Mudane Faysal Cali Waraabe .

Maxaan ka faa'iidaysan karnaa Ololaha ka socda Somaliland ?

Muxuu kaga duwan yahay shacabka Somaliland ,Somalida inteeda kale?

Shacabka Somaliland wuxuu ka muujiyey ololaha doorashada tusaale aan looga baran Somalida. Saddexda Xisbi waxay muddo kow iyo labaatan maalmood ah ku tartaamayeen baryada shacabka Somaliland sidii ay u siin lahaayeen codkooda.

Madax baryeysa shacabka, waa wax cusub….

Maxay ka baryayaan?

Waxay leeyihiin waxaan idin ka codsaneynaa inaad codka

na siisaan;Haddaad codka aniga i siisaan, waxaan idiin ballanqaadayaa hirgalinta mashaariic badan.

Waa arrin ugub ah oo aan waayahaan na soo marin. Dadweynihii ayaa qiimo yeeshay. Waa loo baahday, axaa lagu kala tartamayaa sidii loo raaligalin lahaa. Baga iyo baga.

Olole doorasho oo nabad ku dhaca, maalinba xisbi inuu soo bandhigo barnaamijkiisa, si uu dadka ugu qanciyo iney codka siiyaan.Maalinba xisbi baa loo banaynayaa fagaarayaasha, wadooyinka iyo warbaahinta dawladda ee magaalooyinka waaweyn. Maalintaas taageerayaasha xisbigaas kaligood ayaa damaashaadaya, lixda subaxnimo ilaa lixda maqribnimo, iyadoon cidi ka qasaynin.

Hal-ku-dhagyada taageerayaasha, si kastoo ay u dhibsanayaan xisbiyada kale, kama hadli karaan ilaa maalintooda la gaaro, si ay iyaguna ugu jawaabaan hal-ku-dhag u dhigma. Xanaaq ma jiro, gacan ka hadal warkiis daa. Noloshu caadi bey u socotaa. Socodkii gaadiidka, ganacsigii suuqyadu isma taagin. Guddi doorasho oo dhexdhexaad ah ayaa maamulaya oo kormeeraya ololaha iyo codeyntaba. Xadgudub ma dhicin. Nabadgelyadda guud in la wada ilaaliyaa lagu ballamay ayaad moodaa. Waa ilbaxnimo xadkii Somalida dhaaftay. Xataa heerkii Afrikaankay dhaaftay.

Waxaa xusid iyo amaanba mudan, Somaliland dadweyneheeduna sharaf weyn ku heleen, kaalinta horyaalka ah ee ay haweenku ka qaateen ololihii doorashada iyo codbixintii ka dambaysay. Waa hubaal, bulsho waxay hanaqaadi kartaa markii haweenkeedu wax barto, hawshana toos uga qaybgalaan.

Waxaa intaas ka sii daran maalintii doorashadaa la gaaray, codeyntiibaa loo dareeray, dadweynihii baa soo wada baxay, safaf dhaadheer baa sameysmay, si nabadgelyo ah ayaa loo wada codeeyey. Meelo kooban oo gobolka sool ah, oo horeba loo filayey ayaa shaqaaqooyin ka dheceen, codeyntiina laga joojiyey.

Waxaan 40 sano u soo joognay madax xoog nagu haysata. Madfac xukun lagu doono. Hogaamiye kooxeed xukun doon ah oo maleeshiyooyin hubaysan nagu handada. Qabiil siyaasadaysan oo xukundoon ah. Urur hubaysan oo isna xukundoon ah. Siyaasiyiin xukun doon ah oo garab ka haysta dawlado shisheeye, waxay ku faanayaan Maraykan baa i wata, ama Itoobiyaa i wadata.

Goormaa shacab wax la weydiin jiray? Goormaa codka shacabka lagu kala bixi jiray? Intee shilke iyo suu buu leeyahay ayaa lagu kala badin jiray. Goormay Somaalidu ku dayan doontaa shacabka Somaliland ?

Waxaa hubaal ah, Cudurrada na helay oo dalkeennu la dumay iney ugu horreeyaan hogaan xumi, diktaatooriyad, madax aan dadkoodu raali ka ahayn, jabhado ku gadooda iyo xukun xoog lagu doono. Rasuulkeenna suuban ( caleyhi salaatu wa salaam ) wuxuu diiday imam dad salad tujiya iyagoon raali ka ahayn, bal ka warama nin dal dhan af-duubaya oo xoog ku xukumaya iyadoon dadkiisu raali ka ahayn?

Xukunku wuxuu islaamka u yahay laf dhabar, wuxuuna ku xaqiijiyaa hirgalinta caddaaladda, fulinta awaamirta diinta, reebidda munkarka, horumarinta nolosha bulshada, dhaqaalaheeda iyo hawlo badan oo kale. Haddaba, si ay hawlahaasi u hirgalaan waxaa laga maarmaan ah in la dhiso maamul habaysan oo isku dheeli tiran, isla markaana raali laga wada yahay si loogu hogaansamo. Taasi waxay ku imaan kartaa oo kaliya ummaddu iney madaxdeeda doorato, la xisaabtanto markay doontana baddali karto.

Sidaas darted, doorashadu waa mabda'a caafimaad qaba, madaxdana lagu ilaalin karo, tartankuna waa habkii ay bulkshadu ku kala xulan lahayd madaxdeeda, xisbiyaduna waa habkii lagu soo bandhigi lahaa aragtiyada siyaasadeed ee kala duwan oo u dhiganta aragtiyooyinka fiqiga ee madaahibta. Mabaadi'daas aan soo sheegnay waxay ku hirgali karaan in bulshadu isku ogaato in xukunka la isku bannayn karo si nabadgelyo ah, ee aanu dhaxalna ahayn, muruqna ahayn madaxaa ha ku furtana ahayn, waxaan ula jeedaa madaxweyne intuu nool yahay xukunka ku mitida malakamood uunbaa ka qaadi kara.

Midda kale ee maamul dawlo lagama maarmaan u ah, doorasho hufanna ku dhici kartaa waa in dadweynaha codeynaya ay tirakoob leeyihiin, liisas qoranna lagu codeeyo, sida Somaliland ay hawsha ku bilawday. Sidass kaliya ayuu ku iman karaa mabda'a xalaasha ah ee qiraya hal qofba hal cod inuu yeesho (one man one vote). Tirakoobka dadweynaha iyo diyaarinta liisaska cod-bixiyayaashu waxay xadideysaa degmo kasta ee dalka ahi imisa kursi baarlamaan ayey yeelaneysaa? Imisaase ka codeyneysa? Miyaa markaa lagu shuban karaa doorasho?

Markii dadka la tiriyo loona qaybiyo tirada baarlamaanka, waxaa soo baxaya halkii kursiba imisa cod ayaa lagu heli karaa.

Tusaale: haddii tirade dadka dalku noqdo 12 milyan, baarlamaankana laga dhigo 275 kursi, markii la isku qaybiyo waxaa soo baxaya in 45 kun ee qofba ay ku soo aadeyso hal kursi baarlamaan. Sidaas darted, degmadii ay degen tahay in ka badan 45kun qof waxaa ay helaysaan hal kursi baarlamaan.

Guntii iyo gabagabadii, doorashada ka dhacday Somaliland waan u hambalyeyneynaa, waana mabda'a caafimaad bulsho oo horumar leh. Somaliya inteeda kalena waa iney jidkaas iney gaarto ay u halgantaa. Doorasho, tartan axsaab, guddi doorasho, madax is beddesha waa mabda'a Islaami ah oo bulshadu ku noolaaneyso, kagana baxayso diktaatooriyad, isku dulnoolaad, xatooyo xoola dadweyne, madax- xumi, maamul-xumi, qaraaba-kiil, qabiil xukun doon ah, qori awood doon ah. Ninkii doona in bulshadu doorato waa inuu la yimaada sifooyinkii madaxda islaamka, sida inuu noqdo mid isku darsaday aqoon iyo hufnaan (xafiidun caliim), ama karti iyo amaano (qawiyun amiin).


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010