عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

17/2/2007

Maahmaah soomaaliyeed ayaa ah (aan wada hadalno waa aan heshiino). markasta oo uu dhaco dagaal waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhac, dil, xadgudub, waxaa la boobaa hantida dadweynaha, waxaa meel looga dhacaa xuquuqda dadka marka ay halkaas mareyso ayaa inta wanaaga jecel waxay ku baaqaan dibuheshiisiin.

Dibuheshiisiinta waxaa u baahan qoyska isla nool marka uu dhaxdooda khilaaf ka dhaco si uusan qoyskaa u burburin , waxaa lagu xejiyaa deriska wada degan oo mar mar isku dhaca , waxaa iyana dibuheshiisiinta ay ka dhax dhacdaa laba beelood oo is dilay oo dhaxdooda la dhigaa islaax si ay isugula noolaadaan nabad & wanaag, waxaana loo gudbaa qabiilkii isnacay waxaana la dhayaa boogihii colaada.

Taaba gelinta Dibuheshiisiinta waxaa ka qeyb qaadan jiray ama ugu horeyn jiray culimada, nabadoonada, iyo guud ahaan wax, garad samajeclayaal ah, gartana marsiin jiray wadadeeda, kuna bilaabi jiray erayo aad ka fahmeyso inay ka soo jeedaan dhaqan wanaagsan, waxaana kamid ah:
( Ilaahow aqoondaro hanagu cadaabin eexna hanooga tagin)

Sida aynu wada ogsoonahay in la is khilaafo marna lama amaanin, ha noqdo khilaaf dhexmara qoys ama qolo ama qarane, guud ahaan khilaafku ma wanaagsana, hadii uu khilaaf yimaadana waa in laga shaqeeyo sidii meesha looga saari lahaa.

لا خير فى كثير من نجواهم الا من امر بصدقة أومعروف أو إصلاح بين الناس) سورة النّساء آية 114

(kher ma leh wax badan oo faqooda ah, oon aheyn mid fara sadaqo ama wanaag ama hagaajin dadkadhexdooda) an-nisaa:114

والصّلح خير) النّساء آية 128 )

(heshiiska ayaana ah kheyr) an-nisaa:128

taasi waxay imaan kartaa marka la raaco wadada rasmiga ah ee ay ku najixi karto dibuheshiisiintau.

Haddaba, Islaax waxay rumaysan tahay in wadahadal iyo dibuheshiin lagu gaari karo xallinta khilaafka siyaasadeed ee Soomaalida dhexyaal, isla markaasna dib loogu soo celin karo sharafta iyo karaamada umadda soomaaliyeed
Dibuheshiisiintu waa waajib diini ah oo inna wada saaran, dalka iyo dadkuna waxay u qabaan baahi xoog leh.
Cid kasta oo is haysa wuxuu Ilaahay –SW- faray inay heshiiyaan

فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم وأطيعو الله ورسوله ).الأنفال آية1)

((ka dhawrsada Eebe wanaajiyana xaalka dhexdiinna ah Eebana adeeca iyo rasuulkiisa)) Al-Anfaal 1.
Dhinacyada is haya maahane, bulshada inteeda kale wuxuu Ilaahay –SW- faray inay ka shaqeeyaan siday dibuheshiin u dhex dhigi lahaayeen:

انما المؤمنون اخوة فأصلحو بين أخويكم واتقو الله لعلكم ترحمون ) الحجرات آية 10 )

((Mu`miniintu waa uun walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhowrsada, waxaad u dhowdihiin inuu idiin naxariisto e )) Al-Xujuraat : 10
Sidaas darteed siyaasaadka Islaax ee marxaladan waxaa ka mid ah taabbagelinta dibuheshiin buuxda oo Soomaaliya ka hana qaadda. Waayo dibuheshiisiintu waa meesha ugu danbaysa ee cid kasta oo dagaalantaa ay hawsheeda ku soo gebagebaynayso.
sidaa darted waa in la baajiyaa waqti iyo xoog badan, hawshana laga bilaabaa dibuheshiisiinta, halka markii la soo daalo dibuheshiisiinta loo soo noqon lahaa.Xarakada islaax waxay kaalinteeda ka qaadanaysaa ka shaqaynta hawlaha dibuheshiisiinta,hanoqoto heerka bulsheed ama heerka siyaasadeed. Waxaana la inooga baahan yahay in aan markasta xasuusnaano qiimaha midnimada, Allaahna waxa uu yiri

واعتصمو بحبل الله جميعا ولاتفرقوا) آل عمران آية 103)
((Qabsada xarigga Eebe dhamaantiin hana kala tagina)) Aala cimraan:103


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008