عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

dibadbaxyo loogasoo horjedo yuhuuda

10/01/2009

Salaadii jimcaha kadib waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobalada qaar dibad baxyo aad u waaweyn iyadoo looga soo horjeedo baabi`inta shacbiga reer falastiin ee ku nool jiida webiga gaza .

Dibad baxyadaasi waxaa ay ka dhaceen Soomaaliya oo dhan Raas casayr ilaa raas kaambooni.

Dibad baxyadaas waxaa looga soo horjeeday xad gudubyada iyo xasuuqa israaiil ku hayso dadka reer falastiin, iyagoo dibad baxa yaashu kor u sideen laafitooyin ay ku qornaayeen erayo lidi ku ah duqaynta iyo xasuuqa israaiil kuhayso dadka ku dhaqan deegaanka jiida Gaza.

Dibadbaxa yaashu waxaa ay ugu baaqeen dowladaha carabtu in ay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa dadka reer falastiin ee yuhuudu ay si arxan dari ah u baabi`inayso, ayna furan macaabirta laga galo dhulka reer falastiin si ay suura gal u noqoto in lagaarsiiyo mucaawanada ay aadka ugu baahan yihiin dadkaasi dhibaataysan.

Dadka dibad baxa yaasha ahna waxaa la hadlay hogaamiya yaasha dhaqanka kuwa diinta iyo kuwa siyaasada ee magaala walba, si isku mid ah ayayna u wada muujiyeen carada ay ka qabaan dhibaadata lagu hayo dadkaas muslimiinta ah ee reer falastiin, waxayna yuhuuda uga digeen in ay siiwadaa falakaasi waxshinimada ah.

Ugu dambeyntiina dhamaan dibad baxa yaashu waxaa ay Allaaah uga baryeen shacbiga reer falastiin eek u dhaqan jiida webiga Gaza in Ilaahay ka bad baadiyo dhibaadada lagu hayo iyo xasuuqa yuhuudu kuhayso iyadoo og garab ay ka helayso cadawga islaamka meelkastaa oo ay joogaan.

Waxaa ayna yiraahdeen waan idinla jirnaa, ilaahayna waa idin garab taagan yahay, guushuna way dhawdahay, ee sabra dulqaatana ilaahayna idin dayici mayo.

الله أكبر ولله الحمد


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010