Dhamaystirka qoraalka af soomaaliga
21/10/2009
Dr Maxamed Xasan Nuur
Hordhac
Mararka qaarkood dadka luqadaha wax ka qora ayaa waxaa dhacda in ay ku tilmaamaan luqadaha qaarkood in ay ku awood badan yihiin ama ku qurux badan yihiin xagga ku hadalka, halka ay kuwa kale kaga tilmaamaan ad- adayg iyo caydhnimo, qaar horumarsan iyo kuwo dib u dhacsan oo billow ah, mawaaqiftaas oo kale marka laga qaato luqadaha waxay keenaysaa in la kala saraysiiyo afafka deedna loo wada baratamo in lagu daydo luqadahaas lagu tilmaamay inay ka sareeyaan kuwa kale gaar ahaan dhanka qoraalka, badanaana loo arko in qaab qoraaleedka luqadahaas lagu tilmaamay saraynta uu yahay habka ugu wanaagsan eey tahay in loo qoro luqadaha kale.
Dhamaystirka
Tusaale ahaan marka laga hadlayo habka loo qoraayo luqad, dhinaca ugu muuqanaaya ee heerarka luqadda waa dhinaca dhawaaqa (sawdka), af soomaaligeenna inoogu qoran xuruufta laatiiniga ah una qoran habka dhawaaqa, waxa uu ka kooban yahay (32) xaraf: (22) shibbane iyo (10) shaqal oo (5-nina) ay gaagaaban yihiin (5-nina) ay dhaadheer yihiin.
Tan kale, waxaa jira dhawaaqyo ka mida af soomaaliga laakiin aan ku la hayn xarfo u taagan af soomaaligeenna qoran, waxaana ka mida tusaale ahaan “ ذ ” iyo “ ظ ” , waxaana dhici karta –Ilaahay ayaana oge- in walaalihii hawl wadeenada ka ahaa qoraalka af soomaaliga ee xilligaas inaysan ku baraarugin labadaasi dhawaaq, amaba ay ogaal uga tageen iyaga oo ku dayanaya luqadda ingiriiska oo dhawaaqa “the” ka mid yahay dhawaaqyada af ingiriiska laakiin uusan ku lahayn xaraf u taagan alifbeetadiisa IWM.
Qoraalkaan gaaban ugama gol lihi soo noolaynta loolankii ka taagnaa habka loo qorayo af soomaaliga, maxaa yeelay mawduucaasi waa mid horay looga faraxashay oo af soomaaligu maanta hab ayuu u qoran yahay.
Waa inaan ogaannaa ku daridda labadaan xaraf –iyo wixii kale ee soo kordhaba- xuruufta af soomaaliga ah ee qoran waxay faa'iidaynasaa:
Horumarinta & dhamaystirka qoraalka af soomaaliga.
Labadaan xaraf waxay ka mid yihiin xuruufta qur'aanka kariimka, waxayna noqonaysaa hawl wanaagsan oo la qabtay si laxniga looga yareeyo ilmaheenna baranaya qur'aanka.
Waxaa meesha ka baxaya in ay kala duwanaadaan waxa lagu hadlayo iyo waxa la qorayo, maxaa yeelay ma jiraan wax sababaaya in labadaa dhawaaq lagu hadlo qoraalkoodana loo badalo (d).
Waxay dhiirigalinaysaa baaritaanka cilmiga ah, dadkuna waxay ogaanayaan in haddii ay si sax wax u baaraan oo wax sax ah ay soo saaraan la tixgalinayo natiijada baaritaankooda.
Waxaa kale oo iyana xusid mudan inaan sheegno:
In mudadii aan baaritaankaan waday aan ku ogaaday in erayda ay ku jiraan labadaasi dhawaaq ay aad u badan yihiin, walibana ay jiraan gobollo soomaaliyeed oo dhawaaqa (d) ee erayga u danbeeya u badala ( ذ ) ama ( ظ ).
In labadaasi dhawaaq inta aan ogahay aysan jirin erayo af soomaaliya oo ku billaabanaya, balse dhexda iyo dhammaadkaba ay dhici karaan, taasina waxay la wadaagaan dhawaaqa (') oo isna inta aan ogahay aan lagu billaaban krin laakiin isna dhexda iyo dhammaadkaba dhici kara lehna xaraf u taagan af soomaaliga dhexdiisa.
Soo jeedin
Waxaan soo jeedina lahaa:
In labadaasi dhawaaq lagu daro qoraalka af soomaaliga.
In dhawaaqa ( ظ ) loo qaato xarafka (th) dhawaaqa ( ذ )na loo qaato xarafka (jh).
In loo hawl galo sidii soomaalida loo gaarsiin lahaa loona bari lahaa.
Amaba maadaama ay arintani taabanayso wax ummad ka dhaxeeya aad loo qabto guddi khubaro ah oo ka tala bixiya.
Arintani waxay noqonaysaa u adeegista qur'aanka kariimka ah, dadka soomaaliyeed iyo cilmi baristaba.
Mahadsanidiin