Dal dadkiisa ayaa dhisa Qaybtii 2 aad
27/5/2007
Waxaan soo sheegnay in dadka dalkooda dhisaya ay yihiin dadka damiirka wanaagsan & maskax fayow leh kana damqanaya dadkooda iyo dalkooda, kana duulaya dalkaaga iyo dadkaagu dunida yaaney kadiba marin, dunida horay u martayna waxaa horuumarinteeda ka shaqeeyay wadaniyiin dalkooda iyo dadkooda jecel ee iskama imaan horuumarku dadaal la`aan, dal waxaa dhisa wadaniyiin daacad ah, u damqada dalkooda dadkiisana la doona horuumar.
Hadaba maxaa lagadoonayaa qofka wadaniga ah?
Waxaa lagadoonayaa in uu sifooyin gaar ah yeeshaa oo uu kaga soocanyahay kan aan fahamsanayn wadaniyada ama aan doonayn waxaana kamid ah si fooyinkaa:
- In uu wadankiisa jeclaadaa jeceyl dhab ah.
- In uu ka damqadaa wax walba oo dhibaataynaya wadanka sida:
- Burburinta ama bililiqaysiga waxyaabaha sida guud loo leeyahay ee muwaadiniinta ka dhexeeya
- In uu ka damqado wax walba oo ku xadgudbaya dalkiisa iyo dadkiisa
- Waa in uu iskala sareeyaa qofka wadaniga ah ku xidhnaanta reer ama qolo marki ay joogto mawaaqif wadaniya .
Waa in uu sifaadkaa iyaga ah iyo kuwa kale oo wanaagsan qofka wadaniyada lihi uu ku sifoobaa kaa un baana laga sugayaa in uu dalkiisa dhisaa iwm ..
Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa hees wadani ah waxa ay ku cabireen in hadii la helo cid wadaniyad leh oo huruukac la doonaysa dalka ay tahay in ay hor u socotaa ee aaney is taagin uguna yeertaa kan halmaansan in uu istaagaa garabkiisa. heestana waxaa kamid ahaa erayadaan:
Hakan meyso beeshuye horuusocod dhaqaaqyee harayow na soo gaar hadii kalena yeelkaa
Dunidana waxaa ka dhaca tusaalooyin badan oo tusinaya qofka wadaniyadu ay ku weyntahay iyo heer ka ay ku gaarsiisantahayba waxaana soo muujiya arrinkaa qofka wadaniga ah marki uu wadanka ka maqnaado mudo badan wiliba uu uga maqnaado sabab uusan raali ka ahayn sida musaafurin,qax,iyo wm waxaana la arkaa qofkaasi markuu ku guuleysto in uu ciidiisa ku soolaabto in uu carada shumiyaa (sanka saaro) amaba ku sujuudo isagoo Allaah ku mahadinaya in uu caradiisii soo cagadhigay.
Sidoo kale waxaa la arkaa wadamada qaar in laga helo muwaadiniin caadiya oo u diidaya in xitaa lagu tufo cantuuf ama lagu rido wasakh meel aan loogu tala galin iskaba daa in laburburiyee, kaas oo aysan ka saarneyn masuuliyad gaar ah oo aan ka aheyn tan wadaniyadu fareyso.
Sidoo kale waxaad arkeysaa markey cabirayaan abwaaniintu qiimaha wadaniyadu leedahay sida ay u wayneynayaan, waxaana kamid ah tusaale ahaan markuu leeyahay abwaan soomaliyeed..
dhirtoo aan jibaaxna iyo
habeen dheelmad bey rabtaa,
inaan dhalan dhoolna iyo
dharaar socod bey rabtaa
wadani dhiiran oon baqeyn
in loo dhiidhiyey rabtaa
Waxaana lagu gartaa wadaniga in uu dhibsado waxyeelaynta danta guud iska daa in uu isagu wax yeela`e iyo in uu u istaago ku wacyi gelinta bulshada jeceylka wadanka iyo ka hormarinta danta gaar tan guud, iyo la dagaalanka in bulshada lagu abaabiyo reer, koox iyo wixii la halmaala.
Waxaa wax lala yaabo ah in dadka soomaaliyeed intiisa badan ay aad u barteen xilliyadaan danbe in wax dan guud layiraahdaaba aysan arki karin, waxaadna arkaysaa inbadan oo kamid ah soomalida ay u badalayaan danti guud mid gaar ah isla markaana moodayaan inay sidaasiba saxantayhay oo wiliba dagaal uu ku mutaa qofkii isku daya in uu saxaa khaladkaa .
Waxaase lagama maarmaan ah in umadda heerkaa gaarsiisan xagga garashada wadaniyada iyo ka damqashada wax yeelaynta danta dadka iyo dalka laga shaqeeyaa in laga soo saaraa wadaniyiin dhab ah lana helaa dad u taagan arinkaa.
Abwaan soomaliyeed baa waxaa uu leeyahay isagoo cabiraya waxa laga doonayo wadaniga :
Dhiigga in aan u seyrino
Nafta in aan u dhiibno
Cadawga in aan ka dhowrno
Ceebta in aan ka dhiidhino
Dhibta in aan u diidnaa
Dhaqsana u dhisnaa baan
ku dhaar sanee dhab soo kaca
Waxaana Allah ka rajeynaynaa in uu umadda Soomaliyeed garad siiyo danta dalkooda iyo ka damqashada dhibaatada dadkooda.