عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Warsaxaafadeed ku aadan:
Faragelinta Itoobiya iyo dagaalada ka huraya dalkeenna

24/12/2006

Dawladda Itoobiya waxay muddo dheer faragelin ku haysaa dalka Soomaaliya iyada oo ka faa`iidaysanaysa khilaafaadka siyaasadeed ee jira iyo mudadda dheer ee dalka aysan ka jirin dawlad dhexe oo awood leh.

Haddana, waxaa ciidamada Itoobiya si xoog leh uga dagaalamayaan dalka Soomaaliya gudihiisa.

Sidaas darteed, Xarakada Islaax waxay ku baaqaysaa qodabada soo socda:

1- Dawladda Itoobiya waa inay si deg-deg ah oo shuruud la`aan ah ugala baxdaa ciidamadeeda dhammaan dalka Soomaaliya.

2- Shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa iney u midoobaan difaaca dalkooda, ilaalinta madaxbanaanidooda iyo qaranimadooda.

3- Dawladda Federaalka KMG iyo Golaha Maxaakimta Islaamiga waa inay si deg-deg ah wada hadalladoodii dib u furaan iyagoo ka amba qaadaya heshiisyadii ay horay ugu galeen Khartuum, dalka Suudaan.

4- Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka, gaar ahaan Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladda murugsan ee ka aloosan Soomaaliya, kana soo baxaan masuuliyadda ka saran, iyaga oo ka dhawraya faragelinta shisheeye ee dhaawaceysa midnimada iyo qaranimada Somaaliya.

Allahu Akbar walillahil Xamd

Sh. Cabdulaahi Cali Xayle
Afhayeen u hadlay Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008