Dacwada Allaah ee suluuga ruuxa daaciga ah
13/11/2008
Dacwada Allaah subxaanahu watacaalaa waa qayb kamid ah nololmaalmeedka ruuxa muslimka ah, reerkiisa, shaqadiisa, wadadiisa, saxiibadiisa, iyo dhamaan noloshiisa oo idil, Allana waa kan dhahaya:
ومن احسن قولا ممن دعي إلي الله وعمل صالحا وقال أنني من المسلمين.فصلت33
Yaa kafiican hadal, ruux uguyeeray dadka Eebe xagiisa camal fiicana sameeyay dhahayna anigu waxaan kamid ahay muslimiinta.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee wasiilooyinka loo adeegsado dacwada ilaahay waxaa kamid ah suulga iyo hab dhaqmeedka ruuxa daaciga ah iyo ku sugnaanshaha daaciga uu ku sugnaadaa mabaadi`diisa iyo akh laaqdiisa hagaagsan ee islaamiga ah, dhaqatarka muslimka ah suluugiisa iyo akhlaaqdiisa ayuu Allaah ugu yeerayaa qawlkiisa ka hor, maxaayeelay afcaasha ayaa ka saamay og aqwaasha, iimaankuna sida la ogyahay waa wax qalbiga ku dhega camalkuna waa uu rumeeyaa.
Sidaa darted dhaqtarku hadii uu iltizaamo akhlaaqda islaamiga ah isagoo shaqadiisana si wanaagsan u gudanaya kuna dadaalaya bukaanka uu daweynayo isagoo og in Allaah muraaqabaynayo lana socdo xaalkiisa, waxay kamid tahay wasaailka ugu waweyn ee qalbiyada dadka u soo jeeda in ay aqbalaan dacwada Allaah, sidookale dhaqankaasina waxaa uu ka bixinayaa suurad wanaagsan daaciga iyo dacwadiisaba.
Hadaba dacwada Allaah dadka ka shaqaynaya waxaa la gudboon in ay u noqdaan qaabkii iyo akhlaaqdii iyo dacwadii Rasuulkeena (n.n.k.h) iyo asxaabtiisii Alla haka raali noqdee in ay u noqdaan ugana daydaan dacwadiisii, akhlaaqdiisii, isagaana dayasho wanaagsan u gusugantahay insaanka oo idile
لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة لمن كان يرجوا الله واليوم الآخر.أحزاب21
Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle kudayasho wanaagsan, ruuxii danaynaya Alle iyo maalinta aakhiraba.
Hadaba dacwada Allaah waxaa ay u baahantahay camalka oo loo saafi gareeyo Allaah, iyo nafta oola hagaajiyo, waana ruuxa daaciga ah in uu yeeshaa faham islaami ah oo saxiixah iyo in uu dadka cilmiga leh waydiiyo waxyaaba ishkaaliyada ama madmadawgu uga jiro si uu wax cad oo lafahmayo isna fahamsanyahay ugu yeero dadka.
فاسألوا أهل الذّكر إن كنتم لا تعلمون.النحل43
Warsada kuwa cilmiga leh hadii aadan wax aqoona .
Iyo sidookale dadka ciliga leh oo la lafadhiistaa si looga faaiidaysto loogana kororsado cilmi iyon aqoon, ileen cilmigu ruuxa daaciga ah waxaa uu u yahay aaladii uu ku tacban lahaaye.
Hadaba dhamaan ducaada waxaa dacwadoodu ku mira farabadan ku dhalinaysaa aqwaasha wanaagsan oo ruuxwalba sheego in loo bedelaa afcaal, Alaahna waxaan waydiisanaynaa in uu na waafajiyo.
Wabilaahi towfiiq