عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Doodaha soo yeeray ee xoraynta haweenka(Xuriyatul Mar`ah)

22/12/2008

dhawaaqyadaa iyaga ah ee wiliba ka soo yeeray markii hore cadawga islaamka lakiin waxaa iyaguna la qaatay oo sax u arkay dacawaadkaas dad sheeganaya in ay muslimiin yihiin, waxaase wax lahuba ah in aysan ugu yeerayn haweenka wax aan ka ahayn hoos u dhac xagga dhaqanka iyo aadaabta wanaagsan, iyo bulshada oo la iska horkeeno.

Hadaba waxaad ku ogaanaysaa in aysan wax wanaag ah la doonayn haweenka waxaa ay ka bilaabeen hawlohooda, iyo dacwadooda in loogu yeero haweenk:

•  in ay xijaabka iska dhigan, oo ay quruxdooda banaanka keenaan, taasina waa tii Alaah xarimay, waxayna ugu yeerayaan in si cad ay uga hor yimaadaan amarada Allaah gaar ahaan Qawlka eebe.

ولا تبرجن تبرج الجاهلية الأولى.آية33 من سورة الأحزاب

•  in ay ka il baxaan ku negaanshaha guriga, iyagoo soo ban dhigaya xujooyin farabadan oo aan waxba ka jirin, sida.

•  In shaqada loo diidayo haweenka

•  In laga laga liido raga

•  In aysan la sinaan raga xuquuqda iyo waajibaadka

Allana waxaa uu leeyahay:

وقرن في بيوتكن ولا تبرجن تبرج الجاهلية الأولى.سورة الأحزاب، نفس الآية

Islaamkubna xuriyad kama qaadin haweenka, laakiin waxaa uu ku xakameeyay qawaacid iyo axkaam, si aan looga bixin xuduudaas Allaah u sameeyay.

iyaguna waxaa ay doonayaan waa in wax walba laga xuroobaa, oo haweenku waxa ay doonaan sameeyaan iyagoo aan eegayn islaamku maxaa uu ka leeyahay arinkan.

Hadaba maxaad isleedahay way doonayaan waxaas oo dhan kadib?

•  Waxaa ay doonayaan in haweenku xijaabka iyo akhlaaqda wanaagsanba ka tagaan.

•  In haweenku raga isku dhaxdaraan oo aanay kala asturan

•  In haweenku xishoodka ka tagaan oo anay waxba raga ka qarsan kalana xishoon iyo waxyaaba kale oo kadaran.

Waxyaabahaasina waxaa ay keenayaan in dhawrsanaantii laga doonayay haweenka muslimaadka ah ay kabaxaan meesha, xishood la`aan iyo xaqirnaan iyo liidnaana ay ku noolaadaan, taasoo dhibaata u keenaysa qoyska iyo guriga iyo bulshada guud ahaan.

Hadaba qormada dambe waxaan uga hadli doonaa haduu Alle idmo shicaaraadka xarakaadka u istaagay Xuraynta haweenka iyo dadka ay saameynta ku yeesheen.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010