|
Qaacidada 2aad ee ruuxa daaciga ah
Al qudwa al xasana (kudayasho wanaagsan)
16/12/2008
Al shaykh al raafici waxaa uu leeyahay isaga oo dayashada ka hadlaya (kudayashada kaligeed ayaaba ah cilmiga nolosha kudayashaduna waa cilmiga dacwada, cilmiga dacwada dhamaantiina waaba ku dayashada wanaagsan).
Salafkii horana sidaa ayay u fahmeen, waxaana uu leeyahay al imam al shaafici raxmatulaahi calayhi,(ruuxii ku wacdiya walaalkii ficil wuu hanuuniyay) sababtuna waxay tahay ficilku waa ka saamayn badanyahay qawlka.
Sidoo kale waxaa uu leeyahay Shiikha layiraahdo C/waaxid ibnu ziyaad(Xasan al basri darajada uu gaaray waxaa uu ku gaaray hadii uu dadka wax amro waxaa uu ahaa mid uga hor mara, waxa uu amray fulin tooda, hadii uu wax ka reebana waxaa uu ahaa kii uga fogaan badan waxaa uu ka reebay), cid kasta ee dacwa u istaagtana waxa laga doonayaa sidaa si lamid ah hadiikale dacwadiisu ma najaxayso.
Maalik ibnu diinaar Shiikha la yiraahdana waxaa uu leeyahay isna (caalimku hadii uusan ku camal falin cilmiga uu sheegayo wacdintiisa iyo waanadiisu masaameeyaan quluubta dadka uu wacdinayo sida dhibicda biyuhu uga simbiririxato dhagaxa sibsibta ah ayayna uga sibxadaan).
Sidookale imam yaxyaa ibnusaciid al ansaari waxaa uu leeyahay (baraarug oo toos walaalka daaciga ahaw, ku dayashadu waa xarun garasho khatarna ahe, adiguna waxaa tahay waa ruuxa daaciga ahe hogaamiye la eeganayo) had iyo goorna ruuxa daaciga ah waa hogaamiye la eeganayo.
Waxaana laga doonayaa ruuxa daaciga ah in uu arinkaa aad u tix geliyaa oo aanuu is dhigan, oo uu mar waliba ogaadaa in waxa uu sheegayo iyo waxa uu samaynayo aad loo eeganayo, lana doonayo in uu qudwa wanaagsan noqdaa, suurad wanaagsana uu ka bixiyaa dacwada uu xambaarsanyahay.
Lasoco qormada dambe Qaacidada 3aad ee ruuxa daaciga ah
|