عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE
MUQDISHO IYO CIIDDA SANADKAN

2/1/2007

Ugu horeyn waxey ahayd ciidda sanadkaan mid ka duwan ciidihii hore maxaa yeelay waa ciidii ugu horeysay ee magaala madax da Soomaliya ee Muqdisho ay nagula ciidaan ciidama Itoobiyaan ah kadib markii ay ka awood roonaadeen ciidamadii maxkamadaha islamiga ee katalinjiray dhul aad u baaxad weyn oo ka mid ah gobolada koonfureed ee Soomaaliya taasina waxaa kadhashay isbedelo ku yimid duruufta guud ee magaalada Muqdisho.
Waxaa laga kala tukaday magaalada Muqdisho laba maalmood maalintii sabtida ee ku aadaneyd 30/12/2006 iyo maalintii axada ee ku aadaneyd 31/12/2006 waxaad mooodaa malinta hore in ay magaalada inteeda badani laga tukaday lakiin masaajidyo aan aad u badneyn ay xirnaayeen, masaajidyadaas oo laga dukaday malintii dambe ee Axada wiliba intaa waxaa dheer maalintii Sabtida ee magaalada inteeda badan laga tukanaayay in ay jireen dad soomanaa oranayana beri ayaa ciida la tukanayaa maantana waa malintii carafa ee sunada aheyd in lasoomo.

MUUQAALADII CIIDDA SANAD KAN
Magaalada Muqdisho waxaa lagu yaqaanay in maalinta ciida la arko muuqaalo ka duwan maalmaha caadiga ah ee aan ciida aheyn sida meelaha la isugu yimaado oo lagu arki jiray dad aad u soo labista isuguna hambalyeynaya munaasabadda ciida waxaa kale oo la arki jiray ciyaal farabadan oo wadooyinka iyo xaafadaha dhexdooda buuxa iyagoo heysta qalabka caruurtu ku ciyaarto , waxaa kale oo aad u badnaan jiray waxa loo yaqaano walimooyinka udxiyada, waxaas oo dhamiba ciidaan magalada Muqdisho wey ku yaraayeen amaba madhicin baa la oran karaa , haddii laga reebo hay`ado faro ku tiris ah oo iyagu qaybinayey xoolo ay udxiayda ugu talogaleen.

XALAWIYAADKII IYO MACMACAANKII CIIDA
Ciidaha sida aan kawar qabno waxay caan ku ahaan jireen Soomaliya gudeheeda in ay yihiin mowsim ama waqti ay sugaan oo ay ka faaiideystaan dadka kaganacsada xalwada, buskudka, dharka,baaruuda, iyo bastooladaha caaga kasameysan iyo guud ahaan waxyaabaha macmacaanka looyaqaano, laakiin sanad kaan waxaa aad loo arkayay in ay cidwalba qalabkeedii ay u diyaarisay ciida sideedii u heysato.

ARAGTIDA BULSHADA MUQDISHO EE KU AADAN CIIDA SANADKAN
Waxaa la oran karaa dadku isku aragti kama ahayn waxayna u qaybsameen qaar u arkayey in sanadkaan laysla sinaa oo kii wax heystay iyo kii aan wax heysanba si isku mid ah ay muuqaaladii ciida u wada waayeen, maxaayeelay kii haystayna ma muujin karin kaan heysana ma helikarin, marka duruufta ayaa wada baday laakiin waxaa ay ku kala duwanaayeen qayb waxaa u diiday duruufta kajirta Muqdisho ee taagan manta, halka qeybta kale aysanba u qorsheysneyn in ay ciida sameeyaan waxyaabihii lagu yaqaanay ciida duruuftiisa gaarka ah darted.

 


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008