CIID WANAAGSAN
29/8/2011
Waxaan halkan tahniyad ku aadan Munaasabadda ciida fidriga uga diraynaa dhammaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga soomaaliyeed ee soomay bishii barakaysnayd ee Ramadaan .
Waxaan Allaah ka baryaynaa in uu naga aqbalo soonka iyo salaadaha , bishaan bisheeda kalena uu nagu gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo .
Ciiddu waxay sanadkan ku soo aaday iyadoo ay Koonfurta Soomaaliya ka jirto Macluul aad u baahsan, haddaba waxaa Allaah ka baryaynaa in uu abaarta iyo amni la`aanta uu soomaali meel ay joogtaba ka dulqaado , sharafteedii dowladnimana uu u soo celiyo .
Waxaan kula dardaarmaynaa Shacbiwaynaha Soomaaliyeed inay Allahooda u noqdaan una howl galaan siddii ay dalkooda u dhisanlahaayeen, khilaafaadkana dhexyaal uga gudbi lahaayeen, walaaltinimadoodana u adkaysanlahaayeen, Dowladduna waa inay amniga iyo kala danbaynta soo celiso, hotumarka wadankana ka shaqayso.
Umadda Muslimka ahna waxaan ka codsanaynaa inay gacan walaaltinimo la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwani ay daashadeen
Kulu caamin wa' antum bikhayr .
Dr : Ali Bashi Omar Haji
Goddomiyaha Xarakada Islaax