عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Cambaarayn gefka loo gaysanayo

Nabi Maxamed (NNKH)

1/3/2008

Xarakada Islaax waxay cambaaraynaysaa sawirada gefka ah ee ay qaar ka mida qalabka warbaahina ee reer galbeedku u gaysanayaan Nebi Maxamed (NNKH), iyagoo sawiro ay ku aflegaadaynayaan faafiyay.

Nebi Maxamed (NNKH) waa ashrafu khalqillaah, waana kan umadda caalamka u horseeday hanuunka iyo kuxirnaanta Ilaahay (sw). Wuxuu dhamaanba caalamka ka mudan yahay ammaan iyo ixtiraam.

Waxaa gef foolxun ah in qalabka warbaahinta galbeedka qaarkood dib u baahiyaan sawiradaas Nebiga Suuban (NNKH) gefka ku ah. Arintani waa daandaansi loola jeedo dadka muslimiinta iyadoo la ogyahay siday uga xumaadeen markii hore ee la faafiyay.

Xarakada Islaax way cambaaraynaysaa gafkaas soo noqnoqday ee loo gaysanayo Nebi Maxamed (NNKH), sidoo kale waxay ka digaysaa daandaansiga soo noqnoqonaya ee lagu hayo muslimiinta.

Allahu Akbar Walillahixamd

Sh. C/laahi Cali Xayle

Afhayeen u hadlay Ururka Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010