عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Baaq lagu taageerayo hirgelinta kudhaqanka Shareecada Islaamka

20/4/2009

Xarakada Islaax iyadoo ka duulaysa waajibnimada kudhaqanka Shareecada Islaamka, rumaysanna inaan arrinkaa nolosha aduunka iyo tan aakhiraba looga maarmin, ayaa waxey dadka Somaaliyeed ugu yeeraysay in si dhamaystiran loo hirgeliyo kudhaqanka Shareecada Islaamka muddo ka badan 30 sanno, waxayna rumaysantahay in shareecada la'aanteed aan Somaaliya laga samayn karin dawlad taabagasha.

Sidaas darteed, Xarakadu waxey si wayn usoo dhowaynaysaa una taageeraysaa go'aanka Barlamaanku ku gaaray kudhaqanka Shareecada, 18/04/2009 . Dhab ahaantii, waa arrin taariikhi ah oo lagu midaynayo Islaamka iyo dawladnimada, aduunyada iyo aakhirada. Waa maalin laga guuray qaab-dawladeedkii gumeysiga laga dhaxlay, loona guuray qaab dadka Somaaliyeed ee 100% Muslimka ahi ay leeyihiin.

Hasayeeshee, si talaabadaas bilowga ah looga gungaaro, waxay Xarakadu soo jeedineysaa qodobadan soo socda:

•  In la sameeyo hay'adda isku-dubaridka iyo iswaafajinta qawaniinta dawladda iyo Shareecada. Hay'daas oo aqoonyahannada qawaaniinta iyo diinta lagu kulmiyo.

•  In culimada waawayn ee dalka laga wada qaybgeliyo hawshaasi si looga fogaado inay u ekaato arrin kooxeed iyo mashruuc gaaban oo siyaasadeed.

•  In laga faa'idaysto khibraadka iyo waayo-aragnimada laga kasbaday dawladaha Islaamka iyo cilmi-baarista arimahaas laga sameeyay.

•  Xarakadu waxay shacbiwaynaha Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inuu si buuxda u taageero dhaqangelinta Shareecada Islaamka.

•  Waxay ku baaqaysaa in khilaafaadka jira lagu xalliyo si waafaqsan Shareecada Islaamka.

Ugu dambayntii, waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu na gaarsiiyo dadka Somaaliyeed oo nabad ah, heshiis ah, xarigga diintoodana wada haysta. Waxaa kale oo aan Ilaahay ka baryaynaa dawlad iyo shacab ka midaysan wanaag samaynta iyo xumaan reebidda.

Allahu Akbar WallilahiXamd

Dr. CaliBasha Cumar

Gudoomiyaha Xarakada Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010