عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Hambalyo …… Hambalyo……….Bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan:

11/8/2010

Dhamaan Umadda Islaamka ee sooman

Ilaah baa mahad is kaleh ,naga dhigay Muslimiin ,nuguna adoonsaday in aan caabudno, kana yeelay bisha barakaysan rukni ka mid ah Arkaan tiisa islaamka.

intaas ka dib; Bisha barakaysan ee ramadaan waxay ka mid tahay munaasabdaha ugu waa wayn ee umadda Islaamka ay leedahay, taas oo ay u aragto gudashada mid ka mid ah arkaanta Islaamka.

Hadaba, bisha Ramadaan way dhalatay, dadkiina waxay bilaabeen in ay soomaan, taas oo ay uga dayanayaan nabigeena suuban (C.S.W), kaas oo dhahayay markii uu bilaawdo Rajab ilaahow noo barakay Rajab iyo shacbaan , Nana gaarsii Ramadaan …………

Yaa ka nasiib badan qof gaaray Ramadaan , kana faa`iidaystay khayradkiisa iyo barakadiisa , kana xisaabta ilaahay ajir ; maal mihiisa yar , iyo qaybihiisa kala duwan oo khayraadka badan , sida tobanka hore oo raxmad ah, tobanka dhexe oo dembi dhaaf ah, iyo tobanka dambe oo naarta layka xoraynayo.

Waxaa intaa dheer habeenkii ka khayr badnaa kunka habeen ee laylatul qadriga , ilaahow na waafaji khayraadkaas faraha badan ee Ramadaanka aamiin aamiin.

Ugu dambayn ilaahay hanugu arsuqo amni , deganaasho,iyo barwaaqo , sanad kaan kiisa kale kuwii sama ku gaara Alaha naga yeelo

Kulu caamin wa antum bikhayr


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012